Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Xayiraad Ku Soo Rogtey Wargeyska FOORE
Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa waxa ay maanta go’aan ka gaadhay dacwad lagu soo oogay wargeyska Madax-bannaan ee Foore oo ka soo baxa magaalada Hargeysa.
Wargeyska Foore oo ka mid ahaa wargeysyadda ugu afka dheer ee ka soo baxa Somaliland ayaa waxa loo haysto warar uu ka qoray Madaxtooyadda cusub ee xukuumadda KULMIYE ka dhisanayso koonfurta magaalada Hargeysa.
Maxkamadda ayaa waxa uu ku xukuntay in muddo sannad ah uu xayirnaado wargeysku isla markaana uu bixiyo lacag ganaax oo dhan 3 milyan oo shillinka Somaliland ah.
Halkan hoose ka akhriso warqada xukunka ay Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ku ridey Wargeyska Foore