Dawladda Soomaaliya Oo maanta dib u furtay duulimaadyada Caalamiga ah
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah si rasmiya ugu dhawaaqday in ay dib u furtay dhammaan duullimaadyada Caalamiga ah oo ku xirmay saamaynta xanuunka COVID-19.
Maareeyaha Hayโadda Duulista Rayidka Soomaaliya Axmed Macallin Xassan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maanta dib loo furay dhammaan duulimaadyada Caalamiga ah isla markaana ay u diyaar garoobeen sidii loo wajihi lahaa xaaladda weli ka taagan xanuunka Coronavirus.
โWaxaan dhammaan fareynaa rakaabka baxaya ama kasoo degayo Garoonka Aadan Cade ay qasabtahay in ay xertaan maryaha afka lagu xerto ee face Maska. Iyo sidoo kale gacmo gashiga iyadoo la raacaya fariimaha aan ka bixineyno halista cudurka Covid-19โ ayuu yiri Maareeye Axmed macalin.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay u xirtay duullimaadyada caalamiga ah 19-kii Maarso ee Sanadkaan 2020 kaddib markii kiiskii ugu horreeyay ee Covid-19 laga helay dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.