Xisbiga UCID oo soo Jeediyay In Maxkamadd la Saaro Ciddi Takoorta Dadka Qabba HIV/AIDS-ka
Xughayaha warfaafinta iyo arrimaha saxaafadda, xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Yuusuf Keyse Cabdillaahi, ayaa soo jeediyay in maxkamadd lala tiigsado ciddii takoorta ama sumcad dil ku sameysa bulshada kala duwan ee qabta xannuunka HIV/AID-ka.
Waxaa kale oo uu xukuumadda Somaliland ugu baaqay in ay waxbarashada bilaash uga dhigaan ubadka ay dhalleen waalidiinta qabba xannuunka HIV-ga, islamarkaana ubadkooda la soo dhaweeyo.
Dhanka kale waxaa uu madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ugu baaqay in uu wax ka qabto cabashada dhiilada leh ee ka soo yeedhaysa Hooyooyinka, la nool xannuunka HIV/AIDS.
Sidoo kale Xoghaye Yuusuf Keyse, waxaa ku taliyay ย in xogta bulshada la nool lagu aamino wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland.
Xughayaha warfaafinta iyo arrimaha saxaafadda, xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Yuusuf Keyse Cabdillaahi, ayaa soo jeediyay in maxkamadd la saaro ciddi takoorta ama sumacad dil u geysata dadka qabba xannuunka HIV/AIDDadkaasi โWaa in aynu ilaalina oo wixii ay tabayaan siinaa, waa in carruurahooda iskuulada geynaa, waa in aynu ka ilaalina takoorka, waa in lagu maxkamaddeeyay ciddii takoorta dadkaasi, waa in maxkamadd la saara cidii dadkaasi sumcad dil ku sameysa, ama takoortaโ
Waxaa kale oo baaq u diray hayโaddaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga aheynba oo uu ugu baaqay in si deg degga taakulo loo gaadhsiiyo dadka qabba xannuunka HIV/AIDS-ka. โWaxaan ugu baaqaya madaxweynaha iyo hayโaddihiisa uu magacaabayba in deg degg wax loola gaadho dadkaasi, wax loo siiyo loo ilaaliyo, meel ay galaan wax ay cunaan, waxbarashada lacag laโaan looga dhigo, marka waxaan leeyahay waar dadkaasi ilaain ayay inooga baahan yihiin.
Wasaaradda horumarinta caafimaadka waxaan ugu baaqaya in dadkaasi aanay mar danbe warbaahinta la hadlin ee arrintooda wax halaga qabto.
Waxaan leeyahay ha loo gurmado dadka la nool xannuunka HIV/AIDS, dhammaan hayโadduhu gurmad deg degga haw fidiyaan, hadii ay tahay hayโadda keydka raashinka Qaranka, hayโaddaha kale ee samafalka, wasaaradda diinta iyo aw qaafta Somaliland, dadkaasi walaalaheena ee muwaadiniinta ah yaan wasaaradd kaliya lagu haleyninโ