Warbixin: Ninkii Gubay Masaajidadii Minneapolis ee Maraykanka

Hay’adaha Federaalka, Laamaha Ammniga iyo waaxaha kale ee ku lug leh baaritaanka ninkii masaajidada Minneapolis gubay ayaa warbixin la wadaagay warbaahinta:

MINNEAPOLIS – Waxaa maanta maxkamad la soo taagay Jackie Rahm Little oo ah 36-jir ah, sidoo kale ninkan ayaa loo yaqaanaa Joel Arthur Tueting. Ninkan ayaa lagu soo eedayay, laguna oogay dacwado la xiriira dab uu si ula kac ah u qabadsiiyay labbo Masaajid oo ku yaala magaaladda Minneapolis. Ninkan ayaa saaka subaxii ka soo muuqday maxkamad federaali ah, waana markii labaad ee la keeno maxkamad. Maadaama ninkan la soo xiray maalin sabti ah oo ay maxkamaduhu iyo xafiisyadda dawladdu xiran yihiin, subaxnimadii Isniinta ayaa maxkamadiisii u horeysay la keenay, waxaana si rasmi ah loo ogeysiisay isaga iyo qareenka difaacaya dhamaan dacwaddaha lagu soo oogay iyo dambiyadda uu galay.

Garsooraha gacanta ku haya dacwadda ninkan lagu soo oogay iyo kiiska la xiriira ayaa sidoo kale la filayaa in uu go’aan ka gaaro haddii uu ninkani ku sii jiri doono xabsiga inta lagu gudo jiro dacwadda maxkamadda iyo in kale. Maalintii u horeysay ee ninkan maxkamadda la hor geenay, garsooraha ayaa amray inuu xabsiga ku sii jiro.

Haddaba waxaa maanta war-saxaafadeed qabtay markii ay maxkamaddu dhamaatay kaddib, Xeer Ilaaliyaha Maraykanka Andrew Luger, oo ay weheliyaan Taliyaha Booliska Minneapolis Brian O’Hara, Kaaliyaha Wakiilka Gaarka ah ee ATF ee Sarreeye Jeffrey Reed, Wakiilka Gaarka ah ee FBI-da ee Michael Krause iyo Xeer Ilaaliyaha Degmadda Hennepin Mary Moriarty, waxyna ka hadleen dhamaantooda halista dembiyadda uu galay ninkan masaajidda gubay, iyo dacwadaha ka dhanka ah ee uu ku eedaysan yahay.

Dacwadaha ninkan lagu eedeeyay, laguna oogay ayaa waxaa kamid ah dacwad ah in uu si ula kac ah dab u qabadsiiyay labbo masaajid, dacwadan ayaa ah mid ah heer dambiyeed federaali ah oo haddii dabmigga lagu helo uu ku mudanayo xabsi u dhexeya 5 ilaa 20 sanno oo xarig ah. Waxaa kale oo ninkan intaas u sii dheer dambiyadda kale ee lagu soo oogay oo ah in uu si ula kac ah u bar-tilmaansaday goobo laggu cibaadeysto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker