XARAARADA SIXIR BARARKA XAL LOOMA WAAYIN

MAXAA SABABAY, MAXAA DARDARGELIYAY, MAXAASE XALA
1. Maxa sababay sixr bararka?
Sida aynu wada ogsoonay ganacsiga aynu dunida inteeda kale la leenay waa mid aan dheelitirnay ee dhan ka raran; waa mid aynu inta badan inagu uun wax soo waaridano balse waxa aynu dhoofino ee aynu dunida kale u’ dirnaa uu yahay mid kooban. Taasina waxa ay keensatay in laynooga baahdo doolar ka badan ka aynu ka helno ganacsiga kooban ee aynu dunida kale u dirno.
Tusaale ahaan
(a) waxa aynu soo dejinaa ee lacag adag laynaga qaadaa:
 Dhamaan qalabka dhismaha,
 Maciishada ama cuntooyinka in ka badan 95%,
 Hu dhamaantii,
 Noocyada kala duwan ee gaadiidka, marka laga reebo naflayda,
 Dhamaan qalabka electronic ga iyo electronics ka,
 Shiidaalka,
 Waxyaabaha laysku qurxiyo, sida kiriimada,
 Qaadka iyo sigaarka,
 Sheerka DPWorld ee dekeda;
 Iyo waxyaabo kale.
(b) Waxyaabaha aynu dhoofino ee ay lacagi inaga soo gasho:
 Xoolaha nool,
 Hargaha,
 Beeyada iyo xabkaha,
 Iyo waxyaabo kale oo kooban.
(c) Meelaha kale ee ay lacagi inaga soo gasho:
 Lacagaha ay qurbajoogtu wadanka soo galiyaan,
 Lacagaha deeqaha ah ee aynu ka helno wadama caalamka lana soo mariyo haayadaa,
 Dalxiiska iyo visayaasha
 Iyo waxyaabo kale oo kooban.

U fiirso:
A ma leegtay B+C, a=b+c ?
Hadii ay maya tahay jawaabtu balse uu badanay (a) oo ah lacagta aynu u baahanay si aynu wax usoo waaridano, waxa lama huraan ah in qiimaha shilinkeenu hoos u dhaco oo aynu dareeno sixir barar.
Ganacsigaa aan isu dheelin tirnayn ee dunida inaga dhexeeyay waxa uu ahaa mid soo jireen ahaa balse soo kordhayay marba marka ka danbeya, waayo baahideena aynaa isa soo taraysay basle maxaa cusub ee keenay korodhkan laxaadka leh ee lawada dareemay?

2. Waxyaabaha karaariyay xawaaraha sixir bararka ama doolar bararka:
Isaga oo sixir bararku horeba u jiray oo qiimaha halka doolar uu ahaa todoba kun iyo shanboqol oo shilinka Soomaaliland ah ($1 = SLSH 7500) intii ka horaya 2017, waxyaaha keenay in uu mudo hal sano ah ku gaado ($1+SLSH 10,500) waxa loo aanayn karaa saddex shay oo kala ah:
I. Dhoofkii xoolaha nool oo joogsaday ama aan si joogto ah u socon;
Taas oo sababtay in aynu ku wayno dhaqaale laxaad leh (doolar) oo inaga soo galijiray dhoofka xoolaha nool.
II. DP World; Dhaqaale laxaad leh oo inaga soo gali jiray dekeda Berbera oo isna u leexday qasnada shirkada maamusha dekeda isla markaana ay shirkadu u bedesho doolar kharashaadka ku soo gala SLSH( doolar inaga baxa) marka laga reebo mushahaarka shaqaalaa iyo sheerka dawlada oo soo noqda marka danbe.
III. Qaadka; qaadka ayaa isna aynu kusoo iibsanjirnay lacagta Birta ee Itoobiya oo inaga soo galijirtay magaalo ganacsiga ku taal xuduudka aynu la leenay Itoobiya ee wajaale. Hadaba waxa is bedelay in lacagtii qaadka lagu soo iibsanjiray oo ku biirtay ashyaada kale ee lacagta doolarka laynaga iibiyo (doolar inaga baxa).
Ma la maarayn karo sixir bararka?
Sixir bararka ama doolar bararka waa la maarayn karaa hadii lagu dhiirado in la fuliyo qodobadan:
a. In suuq loo raadiyo dhoofka xoolaheena;
b. In suuq loo raadiyo macdanaha kala duwan eek u duugan dhulkeena;
c. In suuq loo raadiyo kalluunkeena;
d. In la helo shirkad(o) ku dhiirada inay soo saran shiidaalka dalkeena lagu sheegay;
e. In la dhiirigaliyo wax soo saarka beeraheena;
f. In culays wayn la saaro waxyaalaha aan daruuriga ahayn ee aynu soo waaridano;
g. In la dardargeliyo maalgalinta dekeda Berbera si aynu uga helno dhaqaale daboola ama kabadan kii aynu hore uga heli jirnay iyo ka sarika ee ay shirkadu u baahantay dekeda.

Qoraalkani waa fikradayda iyo aqoontayda dhaqaale waana la dhaliili karaa

Ahmed Saed Dirie
asdiiriye@gmail.com
0633489999

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker