Sucuudiga oo Xusulduub ugu Jira siduu Xidhiidh Buixa ula Samaysan lahaa Yuhuudda

Riyadh (OWN)   Wasiirka Arrimaha Debedda Sacuudiga Amiir Faisal Bin Farhan Al-Saud ayaa ku dhowaaqay in dalkiisa rumeysan yahay in ugu dambeyn “uu caadiyeyn doono” xidhiidhka Israel,

 

Waxaa sidaas weriyey Machadka Washington ee Daraasaadka Siyaasdda Bariga Dhow.

Kulan uu Machadka qaab Online ah kula yeeshay ayuu Amiir Faisal ku yidho“waxaan rumeysanahay in hadda loo baahan yahay in diiradda la saaro in Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta lagu soo celiyo miiska wada-hadalka.

 

 

Ugu dambeyntii, waxa kaliya ee horseedi kara nabad iyo xasilooni waarta waa heshiiiska dhex mara Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta.”

 

Waxa uu sheegay in haddii aan taas lagu guuleysan in mar walba uu jiri doono dhaawac ku yaalla gobolka, ayna ka go’an tahay hanaanka nabadda.

Nabadda, ayaan u aragnaa inay muhiim u tahay gobolka, waxayna qeyb ka tahay waxa ugu dambeyn caadi ka dhigi doono xidhiidhka Sacuudiga iyo Israel, sida ku xusan qorshaha nabadda Bariga Dhexe,” ayuu yidhi.

 

 

Amiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Sidaas darteed, waxaan marwalba odorosaynay inay dhici doonto xidhiidhka Israel oo aan caadi ka dhigno, sidoo kale waxaan u baahannahay inaan helno dowlad Falastiin ah,

 

 

Waxaana u baahanahay inaan qorshe nabadeed u helno Falastiin iyo Israel.”

Dalalka Imaaraadka Carabta iyo Bahrain ayaa dhowaan noqday labadii dal ee ugu horreeyey ee ku yaalla Khaliijka ee xidhiidh la yeesha Israel, iyo dalalkii saddexaad iyo afaraad ee Carbeed, kadib Masar iyo Israel.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker