Xildhibaan ka Tirsan Aqalka Senete Maraykanka oo ku Baaqay in la Aqoonsado Somaliland

Xildhibaan Chris Smith oo ka tirsan Aqalka Odayaasha ee Senete-ka Maraykanka, ayaa majeertay nabadgelyada ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah meelaha ugu nabdoon.

Xildhibaan Chris Smith oo ka mid ah Xildhibaannada aqalka Seneteka kaga jira xisbiga Republican-ka, oo hadal uu jeediyey toddobaadkan ku sheegay in Somaliland tahay dal madax-bannaanidiisa kala soo noqday Soomaaliya oo ay nabadgelyo cago adag ku taagani ka jirto.

Mr. Chris Smith wuxuu ugu baaqay beesha caalamku aqoonsadaan Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu yidhi “Waxaan jeclaan lahaa aragtida labada dal iyo USAID sida ay u wanaagsan tahay in bulshada caalamku aqoonsadaan Somaliland.”

Nidaamka dawladnimo, dimuqraadiyadda iyo nabadgelyada ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland waxay soo jiidatay siyaasiyiinta kala duwan ee dalalka caalamka, oo ku baraarugay inay Somaliland tahay dalka ugu xasiloonida badan Mandaqada Geeska Afrika. Waxa kaloo ay dareemeen farqiga u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker