Ciidanka Amniga Soomaaliya Oo Toogtay 4 Qof Oo Muqdisho Dil Ka Fulin Rabay

Ciidanka Amniga Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay khaarajiyaan dhagar qabayaal ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab ka dib markii ay  isku dayeen in ay dilaan Agaasime ka tirsan wasaaradda waxbarashada oo salaadda Khudbada Jimcaha maanta ku tukanaayey masjid ku yaalla agagaarka Suuqa-Bakaaraha.

 

Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed ayaa sheegtay in dhagar qabayaashaasi ay toogteen ciidanka boliiska ay mid kamid ah aheyd haweeney oo hub ku waday Bac,isla markaana u qeybisay si kooxdaasi ay ugu dagaalamaan hubkaasi.

 

“Ciidanka boliiska degmada Howlwadaag ayaa ku guuleystay in ay ka hortagaan isku day dil oo lala beegsan rabay Agaasime Waaxeed ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada oo lagu magacaabo Abdi Gare,ka dib  israsaaseynta kooban, waxaana ciidamadu ay toogteen dhagar-qabayaashaasi oo ahaa 3 dhallinyaro iyo haweeneey”ayay tidhi Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed

 

Dhanka kale Guddoomiye ku xigeenka Dhanka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed C/llaahi Tuulax ayaa tagay goobta lagu toogtay dhagar qabayaashaasi,isagoo bogaadiyay ciidamadii howlgalkaasi fuliyay.

Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye guuto

Zakia Xuseen Axmed

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker