Saaxiibtinimada u dhaxaysa Madaxwaynayaasha Ruushka iyo Faransiiska oo ka nixisay Maraykanka
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u riyaaqay taageerada milatari oo ay siinayaan dowlada Suuriya ee ka dhanka ah dagaalyahanada hubeysan ee ku sugan gobolka waqooyi galbeed ee Idlib.
Waxaan dadaal ku bixineynaa taageerada milatariga Suuriya, si loo ciribtiro kooxaha Argagixisada ee ku sugan Idlib, ayuu yidhi Putin kadib kulan uu magaalada Paris uu kula yeeshay dhiggiisa Faransiiska Emmanuel Macron.
Diyaaradaha dagaalka Ruushka ayaa duqeymo ka bilaabay gudaha suuriya sanadkii 2015-kii kadib codsi uga yimid madaxweynaha Suuriya Bashar Al-Assad.
Gobolka Idlib ayaa ah halka kaliya oo wali ay ka dagaalamayaan maleeshiyo gacan saar la leh Ururka Al-Qaacida iyo kooxda Daacish.
Balse saxaaibtinimada labadan madaxwayne waxay sasku riday madaxda dalka maraykanka , taasoo hinaase aan marna go,ay ku noqotay Madaxwayne Trump