Madaxwaynaha Dalka Iiraan Xassan Rouhani Oo Laba Bilood U Qabtay Dalalka Yurub. inay ka Garnaqaan Heshiishkii 2015
Madaxwayne Rouhani ayaa si kastaba ka digay in Tehran ay diyaarineyo Xadgudubyo kale oo dheeri ah oo ay ku sameyso heshiiska kuwaas oo yeelana doono โsaameyn aan caadi ahaynโ
Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo saraakiisha Iran ay jawaabo is-khilaafsan ka bixiyeen yabooh ka yimid Faransiiska oo ah in la deyminayo 15 bilyan oo dollar illaa dhammaadka sanadka, haddii ay Iran si buuxda ugu hoggaansanto heshiiska.
Sarkala sare ayaa sheegay in Iran ay u hoggaansameyso heshiiska haddii lacagtaas dayn ahaan loo siiyeo, ama looga iibsado saliid, halka taleefishinka dowladda ee Press TV uu sheegay in Tehran ay diiday yabooha Midowga Yurub.
Iraan ayaa ka baxday sanado badan oo goโdoon dhaqaale ah, kadib markii ay heshiiska la gaartay quwadaha caalamka, sanaddii 2015, ayada oo dhaafsaneysa in cunqabateenada laga qaado, hase yeeshee madaxweynaha Mareykanka ayaa ka baxay heshiiska sanadkii tagay, dibna usoo rogay cunaqabateenada.
Rouhani ayaa ku hanjabay in Iran ay qaadi doonto tallaabooyin dheeri ah shanta bishan haddii Faransiiska iyo dalalka ee Yurub ee heshiiska qeybta ka ahaa ayasan in ku filan ka difaacin Iran xayiraadaha Mareykanka.