Guddiga doorashada Madaxweynaha oo doortay Guddoomiye & ku-xigeenkiisa

Guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo magaalada Muqdisho kulankii ugu horreeyay ku yeeshay ayaa doortay Guddoomiye iyo ku-xigeenkiisa, iyadoo shir guddoon uu ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim.

Sidoo kale, kulanka Guddiga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshiroow iyo labada Xoghaye ee Baarlamaanka.

Xubnaha Guddiga ayaa guuda galay maanta shaqadii ugu horreysay ee hortaalay waxaana ay Guddoomiyaha guddiga u doorteen Senator Cabdiqani Geele Maxamed kaas oo noqonayo Guddoomiyaha Guddiga isku dhafka ee qabanqaabada doorashada Madaxwaynaha kadib markii uu helay codad gaaraya 10 cod.

Sidoo kale, Xubnihii xilkaas kula tartamayay oo kala ahaa Xildhibaan Maxamed Axmed Beereey wuxuu helay 5 cod, halka Senator Cabdi ismaaciil samatar uu isna helay 2 Cod.

Sidoo kale, Guddiga ayaa guddoomiye ku-xigeen u doortay Xildhibaan Maxamed Keerow Maxamed kadib markii uu helay 9 Cod, halka Xildhibaan Maxamed ibraahim Macalimoow oo la tartamayay uu helay 7 Co

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker