Ugu Yaraan 4 Qof Oo Ku Geeriyooday Guri Dumay Oo Ku Yaalla Tog-wajaale

Alle ha u naxariistee dad ku  geeriyooday 11 kalena way ku dhaawacmeen, ka dib markii uu galabta ku soo dumay dhisme Bakhaar ah oo ay ka shaqaynayeen oo ku yaala degmada Tog Wajaale.

Guddoomiyaha Gobolka Gebilay Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye oo ku sugan Magaaladda Wajaale ayaa sheegay in afarta qof ee dhimatay uu ku jiro Mulkiilihii lahaa dhismaha Gurigaasi dumay, waxa kale oo uu Guddoomiyuhu sheegay in dadkii ku dhaawacmay dhismahaasi la geeyay Cisbitaalka Guud ee Magaaladda Gebilay oo haatan lagu dabiibayo.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker