Saif al-Islam Gaddafi Oo Isu Sharaxay Xilka Madaxweynaha Dalka Libya

Saif al-Islam Gaddafi, oo ah wiil uu dhalay hogaamiyihii hore ee Libya Mucamar Al-Qadaafi, ayaa isu diiwaangeliyay inuu noqdo musharaxa madaxweyne doorashada ka dhici doonta bisha December dalka Libya, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan guddiga doorashada.

“Saif al-Islam al-Qaddafi wuxuu u gudbiyay … musharaxnimadiisa doorashada madaxweynaha xafiiska guddiga sare ee doorashooyinka qaranka ee magaalada [koonfurta] ee Sebha,” ayaa lagu yidhi bayaan ay soo saareen guddiga maanta.

Qadaafi waa mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu caansan ee la filayo in ay u tartamaan madaxtinimada – liiska ay sidoo kale ku jiraan Khalifa Haftar, Ra’iisul Wasaare Abdul Hamid Dbeibah iyo afhayeenka baarlamaanka Aguila Saleh.

Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay Qadaafi oo gar cirro leh oo muraayado xidhan iyo khamiis dhaqameed iyo cimaamad buni ah, isagoo dukumentiyo ku saxeexaya xarunta diiwaangelinta ee koonfurta magaalada Sebha Axaddii.

In kasta oo ay taageerayaan dadweynaha iyo inta badan kooxaha Liibiya iyo quwadaha shisheeye doorashada 24-ka Disembar, ayaa weli codbixintu shaki ku jirtaa iyada oo kooxaha iska soo horjeeda ay ku muransan yihiin shuruucda iyo jadwalka.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker