Dawladda Masar Oo Lagu Wareejiyey Eedeysanayaal Kufsi Geystay
Booliiska Adduunka ee Interpol ayaa saddex eedeysane oo looga shakisan inay kufsi geysteen ku wareejiyay Masar.
Ahmed Helmy Toulan, oo 32 jir ah, Amr Hussein Mahmoud Ismail, oo 30 jir ah, iyo walaalkiis Khaled Hussein Mahmoud Ismail, oo 33 jir ah, ayaa lagu xidhay Lubnaan.
Masar ayaa hore u codsatay in lagu soo wareejiyo raggaas si dalkaasi loogu maxkamadeeyo, Waxay ka tirsan yihiin sagaal nin oo loo haysto kufsiga haweeney da` yar ah loogu geystay hoteelka caanka ah Fairmont Nile City ee ku yaalla caasimadda Qaahira, kaas oo dhacay sanadkii 2014.
Kiiskan ayaa bishii July lagu baahiyay barta instagram kaor inta aan booliiska loo gudbin.