Kenya Oo Dacwad Musuqa Lacagtii Covid 19 kusoo Oogtay 15 Sargaal Iyo Ganacsato.

 

Baarayaasha loo xil saaray arrintaas ayaa ogaaday sida qandaraaska soo iibinta qalabkaas loogu gacan geliyay shakhsiyaad iyo ganacsato.

Warbixin ay shalay si wada jir ah u soo saareen Guddiga Senate-ka iyo Guddiga Anshaxa iyo La dagaallanka Musuqmaasuqa ee (EACC) ayaa lagu sheegay in la musuqmaasuqay qalabkii loogu talogalay Covid-19.

 

EACC ayaa soo jeedisay in dacwda lagu soo oogo dhammaan saraakiisha waaxda qeybinta qalabka caafimaadka ee dowladda ee Kemsa iyo kuwa saraakiisha caafimaadka oo ay waaxdu aaminsan tahay inay ka dambeeyaan musuqmaasuqa.

 

Wejiga labaad ee baaritaanka ayaa lagu beegsan doonaa shirkadaga sida sharci darrada ah uga faa`iiday qandaraasyada.

Saraakiisha sare ee Kemsa ayaa iska difaacay eedeymaha. Madaxa Kemsa iyo labo sarkaal oo kale ayaa shaqada laga joojiyay iyadoo uu baaritaanku socdo.

 

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ballan qaaday inuu ka sal gaadhi doono waxa dhacay. 26-kii August, wuxuu ku amray hay`adaha baadhista inay ku soo dhammeystiraan baadhitaanka muddo 21 maalmood ah, balse waqtigeeda wuu dhaafay.

 

Waaxda EACC ayaa warbixinta baaritaankeeda iyo talooyinkeeda goor hore u gudbisay agaasimaha dacwda oogidda bulshada kaa soo la filayo inuu ku dhawaaqo soo xiridda iyo dacwad ku soo oogidda eedeysanayaasha.

 

Kenya waxay diiwaan gelisay in ka badan 37,000 oo kiis oo coronavirus ah iyo 659 dhimasho ah. In ka badan 24,000 oo qof ayaa ka bogsaday, halka maalmihii ugu dambeeyay ay yaraanayeen kiisaska dadka qaba fayraska ee dalka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker