Taageerayaasha Barcelona ii ka Walaacsan Laacibiintii ay Jeclaayeen oo midba Maalin ka Tegayo

Jamaahiirta Barcelona ayaa si joogto ah u helaya farriimaha macasalaamaynta ah ee uga imanaya ciyaartoyda kooxooda, kuwaas oo uu u bilaabay Ivan Rakitic, laakiin illaa hadda aan kala go’ lahayn oo la filayo inay sii socon doonto.

 

Arturo Vidal ayuu ahaa laacibkii labaad ee sida rasmiga ah uga tegay kooxda ee farriin qalbiga dhaqaajinaysa la wadaagay jamaahiirta muddada labada sannadood ah sacabka u tumayay, waxaana la filayaa in Luis Suarez uu mar horeba diyaarsaday qoraalka nabadgelyaynta ah ee uu la wadaagi doono taageereyaasha, taas oo kaliya ay u hadhsan tahay inuu daabaco.

 

Suarez oo heshiis noociisu cusub yahay la gaadhay Atletico Madrid oo sannad kasta oo ay usoo gudubto Champions League 2 milyan oo Euro siin doonta Barcelona, si ay u ogolaysiiso inay laacibkan ka qaadaan xayiraadda ay ka saareen inuu ku biiro naadigooda oo la raaciyey liiska Real Madrid, Man City iyo PSG, ayaa waxa la filayaa in 48ka saacadood ee soo socda gudahooda ay Atletico shaaciso heshiiskiisa.

Laakiin isaga ka hor, waxa soo dhacday farriin ka timid difaaca midig ee reer Portugal ee Nelson Semedo oo kusii jeeda kooxda Wolves ee horyaalka Premier League.

Inkasta oo aanay Barcelona iyo Wolves si rasmi ah ugu dhawaaqin heshiiska Nelson Semedo, haddana laacibkan ayaa sii qaddimay farriintiisa, waxaana qoraal uu ku baahiyey bartiisa bulshada uu ku yidhi: “Aad ayaad ugu mahadsan tihiin Barcelona inaad isiiseen riyada aan ku xidhay shaadhkan. Waad ku mahadsan tihiin inaad ii koriseen ciyaartoy ahaan iyo shaqsi ahaanba.

“Waxa aan joogay saddex sannadood oo cajiib ahaa oo aanan illoobi doonin.

“Waxaan u mahad celinayaa ciyaartoyda, shaqaalaha, taageereyaasha iyo dhamaan dadkii i caawiyey laga soo bilaabo imaatinkaygii illaa maanta.”

 

 

Semedo ayay Wolves ku iibsatay lacag dhan 35 milyan oo Euro, taas oo shan milyan oo Euro oo kaliya ka badan lacagtii ay Barcelona kasoo bixisay sannadkii 2017kii.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker