Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kuna saabsan ha dumin ayey kugu dumine garsoor la haysto

Bismillaahi Arramanirraxeem.

Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh

Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kuna saabsan ha dumin ayey kugu dumine garsoor la haysto

Allah wayn subxaana wa tacaala waa madax wuxuu madax yahay malaa,igtiisa oo ay ka  amar qaataan dhismaha dawladnimo iyo dhismaha qoyska wuxuu Allah madax uga dhigay ragga dumarkana kaabe muhiim ah waxaanu u soo dajiyey sharci ay ku kala socdaan dhismaha dawladnimo waxaa wanaagsan in lagaga daydo dhismihii nabi muxamad salallaahu calayhi wasallam taas oo lagama maarmaan ah haddii laga leexdana waxaa dhacayaa jahawareer lagu wareero dhibna keena

Sidaas darteed waxay umaduhu isku dayayaan in ay samaystaan wax ay ku kala socdaan oo kala qaban kara waxaa muuqata halkii ugu muhiimsanayd in laga leexday kaas ah garsoor madax mannaan ay bulshadu ku kalsoonaato oo aan lahayste ahayn.

Haddii dalku dumo waxaa ay ceebtiisu iyo taarrikhxumoba raacaysaa cidda hoggaanka u haysa Allah kala xisabtamayaa qiyaamaha waa haddii ay madaxdu Allah amin yihiin saladdana ogaan yacni ay muslim yihiin diinta macaanna aaminsan yihiin   in ay dhimanayanna oo malaaigtu sua,aalo waydiinayaan rumaysan camalkoodu in uu raacayana niyadda ku haya

Talo soo jeedin

  1. In ay kala madax bannaanadaan hay,adaha dawladda iyo garoosoorku sharcigana sidiisa loo raaco
  2. In aanu wasiirku sharciga ka waynaan xilkana uu ku waayi karaa dambi uu dalka ka galay waa haddii horumar dalka lala doonayo.
  3. In cashuurta bulshadu bixiso aan la leexsan waa haddii sharafta dalka dan laga leehay.
  4. In dalka biyaha la wada gaadhsiiyo.
  5. In golaha guurtida aanay noqon dhaxaltooyo dhalliyaradana laga ilaaliyo lana soo xulo odayaal wax xeeriya dhaqankana wax ka yaqaan kaas ayey Somaliland ku soo caanamaashay somalida intaada kalena dheertay .
  6. In sicirka sii laban labanlaabmaya wax laga qabto kaas oo dawladda xil ka saaranyahay suuraggal maaha in ay loo taagwayey.
  7. In la xasuusnaado dhimashada oo aduunka in joogaayo loo qaadan.
  8. In mallagga nafta qaadaya diyaar loo noqdo.
  9. In aan la ilaawin Allaha ay nafteennu gacantiisa ku jirto .

    Ha ismoodin in aad sii jirayso u diyaar noqo geerida aad maaalin walba mid kula mid ahaa xabaashiisa u ambabaxaday adna maalin ayaad adduunka ka tagaysa ha kala tagin adoo ummad aad mamadax u ahayd faraqa ku haystaan.ha ku quudin reerkaga xaaraan bulshada reer Somaliland wad a lahaayeen si aanu ubadku kaaga xumaan furistuna u yaraato

Deeq Cabdi Digale

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker