Masuuliyiin iyo Waalidiin jawaab adag ka bixiyey eeddeymo loo jeediyey Dugsiga Abaarso iyo Jaamacada Barwaaqo

Guddida sare ee Jaamacada Barwaaqo, Waalidiinta Ardayda wax ka barata Jaamacadaasi iyo Dugsiga Abaarso maanta gelinkii dambe shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa si adag u beeniyey eeddeymaha loo jeediyey labada xarumood ee Ologga ah oo maalmihii u dambeeyey bulshada lagu jahawareeriyey dhaleecaymo lagu bartilmaameedsaday.

Shirka jaraa’id oo ay waalidiinta ku wehelinayeen xubno kamida Ardaydii ka qalin-jebisay Jaamacada Hablaha ee Barwaaqo todobaadkii hore, ayaa waxa ay daboolka kaga qaadeen inay dacwad ku oogayaan cid kasta oo qayb ka ah dacayada iyo been abuurka lagula kacay Jaamacada iyo Iskuulka, isla markaana ay dhibaneyaal ka yihiin deel-qaafka iyo cambaaraynta lagula kacay goobta ay Awlaadoodu waxbarashada ugu jireen.

Xubno kamida ayaa sidoo kale ku tilmaamay in xagxagashada lagu hayo Jamacada iyo dugsigu ay ka qoto dheertahay labadan xarumood, balse qastiga iyo ujeedada ka dambeysaa ay tahay dagaal lagula jiro qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, laguna ceebaynayo umadda “waxyaabaha umadda lagu jahawareerinayaa waa dagaal lagu soo qaaday qaranimada Somaliland”ayey tidhi Faadumo Cali Bile oo kamida Hablaha Jaamacada Barwaaqo ka baxay ee kulan warbaahineedka ka hadlay.

Guddoomiyaha Komishanka Tamarta Qaranka Axmed Cali Cadare iyo Prof. Cabdisalaan Yaasiin oo kamida waalidiinta Ubadkoodu dugsigaasi dhigtaan, ayaa farta ku fiiqay inay cadowga Somaliland shaadhadh kala duwan iyagoo xidhan, ay abaarayaan meelaha halbowlaha u ah horumarka Qaranka, sidaas darteed dadka eeddeymaha u jeedinaya xarumahan waxbarasho ay ku socdaan sidii ay wax ugu dhimi lahaayeen sumcada iyo sharafta Somaliland.

Ugu dambeyn, waalidiinta iyo Ardayda ayaa dalbaday in cadaalada la mariyo shakhsiyaadka xad-gudubka kula kacay karaamada iyo sharafta awlaadooda, haddii ay caddeyn u keeni waayaan eeddahamaha ay jeediyeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker