Gabadhii Talyaaniga ee Muslimtay oo Loo Xil Saaray in ay Hormuud ka Noqoto Olola Looga Hortagayo Islaam Nacaybka
Silvia Romano oo u dhalatay dalka Taliyaaniga islamarkana mar ay afduubteen Al-shabaab ayaa waxaa loo xil saaray in ay hormuud ka noqoto olola looga hortagayo Islaam naceebka dalkaasi Taliyaaniga.
Ururo ah kuwa bulshada rayidka oo fadhigoodu yahay magaalada Milan ayaa waxay Romano iyo 8 qof oo kale u magacabeen inay qeyb ka noqdaan mashruuc loogu ololeynayo sidii looga hortagi lahaa Islaam naceybka.
Silvia Romano oo qaadatay Diinta Islaamka ayaa waxay horey u sheegtay in hanjabado iyo daleeceen loo jeediyay.
Sababaha loogu magacaabay ayaa lagu sheegay inay tahay qof caan ah islamarkana qudheeda la kulantay falal la xidhiidha Islaam naceyb.
Bishii March ee sanadkan waxaa Muran ka dhashay aayado quraan ah oo ay soo qortay oo dadka ay fikrado badan oo kala duwan ka qaateen ujeeddada ay ka leedahay.
Labada aayadood ee ay ku fasirtay luuqadda Talyaaniga ayaa ku jira suuradda Fusilat.
Ficilkan ayaa u muuqda mid ay Romano ugu jawaabeysay dadka hanjabaadaha iyo dhaleeceynta ugu jeedinaya baraha bulshada.
https://www.youtube.com/watch?v=bhed8MEAbj8