Pakistan oo ku gacan seydhay eedeynta ay soo jeedisay Taliban

Bakistan ayaa diiday war murtiyeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Taliban ee dalka Afghanistan

Bakistan ayaa sheegtay in wasiirka difaaca ku meel gaarka ah ee Afghanistan, oo ka hadlay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka iney isticmaaleen hawada dalka Bakistan, in taasi ay kasoo horjeeddo anshaxa diblomaasiyadda.

Maalintii Axadda, wasiirka difaaca ee Taliban ee, Maulavi Mohamed Yacquub โ€˜Mujahidโ€™ ayaa ku dooday in marka la eego ogaalkiisa, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka weli inay soo galaan dalka Afghanistan, iyagoo soo maraya Bakistan.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Bakistan, oo eedeymahaa ka jawaabayey, ayaa sheegay inay tahay wax laga xumaado, in eedeymaha noocaas ah lasoo jeediyo, iyadoo aan loo heyn wax caddeymo ah.

Sidoo kale waxaa uu sheegay afhayeenka in eedeymahaa ay yihiin kuwo aan la dhayalsan Karin, sababtoo ah ayuu yiri waxay ku soo baxeen war qoraal ah, oo uu soo saaray mid kamid ah madaxda dowladda Taliban ee Afghanistan.

Warkaasi wasaardda Arrimaha Dibedda ee Bakistan afhayeenkeeda, ayaa sidoo kale lagu sheegay in dalkiisu rumeysan yahay inay waajib tahay in dal walba ilaashado madaxbannaanida dhulkiisa iyo dowladnimadiisa, taas oo dalalka dhammaan ay xaq u leeyihiin, ayna Bakistan cambaareyneyso nooc kasta oo argagixiso ah.

Waxaa kale oo uu ku dooday in maamuleyaasha Afghanistan ay tahay in ay ka dhabeeyan ballamadii ay sameeyeen, ka hor intii aan la dhisin dowladda cusub.

Ka gadaal markii ay Taliban qabteen talada Afghaistan, ayaa waxay ballaanqaadeen in aanay oggolaan doonin in dhulkeeda loo adeegsado nooc kasta oo fal xagjir ah.

Markii ay Mareykanku ka baxeen dalka Afghanistan sanadkii hore, Taliban ayaa xukunka la wareegtay, markaa ka dibna Taliban waxay sheegeen inay aasaaseen dowlad ku meel gaar ah, taasoo Maulavi Yacoub, oo ah wiil uu dhalay aasaasihii Taliban, Mullah Mohamed Omar, loo magacaabay wasiirka difaaca.

Shir jaraaโ€™ud ayuu wasiirka difaaca ee Taliban, ayaa wuxuu ka sheegay inay ka dalbanayaan Bakistan inay hawadooda u oggolaanin in loo isticmaalo arrimo ka dhan ah Afghansitan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker