Rag ajnabi ah oo ka tirsan kooxda ISIS oo Soomaaliya lagu qabtay

Booliska Puntland ayaa baahiyay in ay gacanta ku dhigeen laba nin oo ajnabi ah oo ka tirsan hugaamiyeyaasha ISIS ee Soomaaliya.

Xassan Ibnu Maxamed Ibnu Xussein oo u dhashay dalka Morocco iyo Maxamed Ibnu Maxamed Axmed oo u dhashay dalka Suuriya ayay sheegeen ciidamada Booliska Puntland in ay gacanta ku dhigeen, sida lagu daabacay bogga ay ku leeyihiin barta Facebook.

Waxaan la shaacin xilka rasmiga ah ee ay u hayeen labadaan nin ururka Daacish.

Hawlgalka raggaan lagu soo qabtay ayay Boolisku sheegeen in uu ka dhacay degmada Uffayn ee gobolka Bari, Soomaaliya.

Lixdii bilood ee la soo dhaafay ayay sheegeen ciidamadu in ay soo qabteen xubno ajnabi ah oo ka kala tirsan ururada Shabaab iyo ISIS, kuwaas oo ka kala yimid wadamada Morocco, Suudaan, Suuriya, Itoobiya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker