Laba Nin Oo ka Tirsanaa ONLF Oo Lagu Dilay Magaalada Jarati

Wararka ka imanaya Dawlad degaanka somalida ee Itoobiya ee Somali State Itoobiya ayaa sheegaya in Laba Xubnood oo ka tirsan Jabhadda ONLF ayaa xalay lagu dilay Magaalada Jarati ee dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya,waxaana dilkooda loo adeegsaday Bustoolad.

Warbaahinta ka howlgasha dowlad deegaanka Soomaalida ayaa baahinayay in ragga la dilay lagu kala magacaabi jiray Macalin Cumar iyo Weli Xuseen, isla markaana dilkooda uu ka dambeeyey nin lagu Magacaabo Bashiir Diiriye.

Wararka la helayo ayaa waxa ay sheegayaan in dilka uu yimid kadib markii Xubnaha la dilay iyo Ninka ka dambeeyey dilkooda ay isku qabsadeen Dhul beereed ku yaalla Magaalada Jarati, hayeeshee bustoolad uu la soo baxay sidaasna uu ku dilay.

Ehelada dadka la dilay ayaa waxa ay sheegeen in beerta leysku heystay uu si awood ah kula wareegay Ninka dilka geystay oo ka mid ahaa masโ€™uuliyiinta dhinaca nabadgelyada u qaabilsanaa Maamulkii Tigreega, balse muranka ka dhashay uu hadda dib u soo noqday.

Ninka ka dambeeyey dilka labada Nin ee ka tirsanaa Ururka ONLF ayaa goobta ka baxsaday,waxaana dilkaas xalay iyo maanta aad looga hadal hayaa Baraha Bulshada oo ay inta badan ka hadlayaan eheladii laba nin ee la dilay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker