Madaxweynaha la Afganbiyay Ee Mali Oo Maalmo kadib Xabsiga Laga sii Daayay
Ciidamada Milatariga ee xooga kula wareegay talada dalka Mali ayaa xabsiga kasii daayay Madaxweynihii dalkaasi Ibrahim Boubacar Keita, oo maalmo badan ku jiray xabsi ay maamulaan milatariga .
Wadamada xubnaha ka ah Urur Gobaleedka ECOWAS ayaa cadaadis xoogan ku saaray saraakiisha milatariga hogaamisa in ay xabsiga kasii daayaan Madaxweyne Ibrahim Keita iyo masuuliyiinta kaleย 00ย uu ku jiro Raโisul Wasaaraha oo u xidhnaa.
Madaxweyne Ibrahim Boubacar Keita, ayaa 18-kii bishan xoog lagaga tuuray talada kadib markii ciidamada milatarigau afgembi sameeyeen, waxa ayna ciidamada xidheen Madaxweynaha iyo masuuliyiin kale oo badan.
Wadamada dariska la ah Mali iyo dowlada Faransiiska oo saameyn badan ku leh dalkaasi horeyna u gumaystay dalkaasi ayaa ku cadaadinaya milatariga in xukunka ku wareejiyaan dowlad dawlada Rayid ah .
Madaxweynaha dib u helay xuriyadiisa ee Ibrahim Keita ayaan la ogeyn sida uu xaalkiisu ka dambeyn doono, waxa ayna Warbaahinta qaarkood ku waramayaan in uu qorsheenayo inuuย dalka isaga tago.