AHN Siyaasi Maxamed Qanyare Afrax oo Muqdisho ku geeriyooday

Waxa maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho Allah ha u naxariistee, Maxamed Qanyare Afrax, oo ka mid ahaa raggii siyaasadda Soomaaliya magacoodu ku sidkamay.

Qanyare waxa uu ka tirsanaa saraakiishii mid ka mid ah jabhadihii xukunka ka tuuray Maxamed Siyaad Barre sannadkii 1991-kii oo ahayd USC

Waxa uu sidoo kale ka mid ahaa raggii ugu cadcaddaa saraakiishii isku khilaafay hogaanka ururkii USC.

Maxamed Qanyare Afrax waxa uu ka midnoqday xukuumaddii Cabdiqaasin Salaad Xasan oo uu noqday wasiir. Hase yeeshee markii dambe waxa uu ka mid noqday hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho u kala qaybsanayd. Waxaana saldhig u noqtay xaafadda Dayniile.

 

Sannadkii 2026-dii waxa Maxamed Qanyare Afrax ka mid noqday isbahaysigii la dagaallanka argagixisada ee ay samaysteen raggii hogaamiye kooxeedyada ahaa.

Waxa uu ka mid noqday xukuumaddii Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo uu xil wasiir ka qabtay, markii xarunteeda ku meel gaadhka ahi ahayd magaalada Baydhaba.

Xamar ayuu dib ugu noqday waxaanu ka mid ahaa raggii loo diiday in ay ka mid noqdaan xildhibaannadii baarlamankaii la soo xulay ee doortay xukuumaddii xukuumaddii talada qabatay ee uu madaxweynaha ka noqday Xasan Sheekh Maxamuud, hase yeeshii markii dambe waxa u suurto gashay in uu noqdo xildhibaan ka tirsan golaha baarlamank.

Waxa ku soo booday xanuun uu dareemay in aanu hawshii xildhibaannimo wadi karin, waxaanu kursigiisii u banneeyey wiilkiisa Cabdiweli Maxamed Qanyare oo ilaa haatan ah xubin ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.

Geerida Maxamed Qanyare waxa ehelkiisii uga tacsiyeeyey madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Taariikh nololeedka Maxamed Qanyare Afrax oo faahfaahsanna waanu idiin soo bandhigi doonnaa, hadii Allah idmo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker