Maamulka Galmudug oo ka hadashay duqayn xoogan oo Shabaab loogu gaystay Gobolka Mudug

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Abshir Cabdi Shiiqow ayaa sheegay in qaraxyada laga maqlay duleedka Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ay ka dhasheen hawlgalo xagga cirka ah, oo lala eegtay goob ay ku sugnaayeen maleeshiyada Al Shabaab.

Qaraxyo waaweyn ayaa habeen hore iyo xalayba laga maqlay dhulka miyiga ee Degmada Xarardheere, iyadoona ay duqaymuhu gaysteen diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa sheegay in halkaasi lagu duqeeyay koox argagixiso ah oo sida uu sheegay isaga kala goosheysay, saldhig weyna ay ku lahayd.

“Goobta ay wax ka dhaceen waxay Degmada Xarardheere u jirtaa 40km, halkaasoo lagu duqeeyay koox argagixiso ah oo halkaasi isaga kala goosheysay, saldhig weyna ku lahayd. Marka halkaas ayaa duqaynta loogu gaystay, maleeshiyaad fara-badan waa looga laayay, gaadiidna waa looga gubay.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa sheegay in duqaynta lagu dilay 40 xubnood oo ka tirsan maleeshiyada Shabaabka, isla-markaana ay jiraan dhaawacyo fara-badan.

Waxa uu intaasi ku daray in ay xogta ku hayaan in Shabaabku ay meydadkooda iyo dhaawacyadooda ay gaynayaan deegaanka Jowle oo hoostagga Degmada Xarardheere iyo Degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud.

Wasiirka ayaa tilmaamay in ay weli uruurinayaan macluumaadka ku aaddan khasaaraha rasmiga ah ee duqaynta lagu gaarsiiyay Shabaabka, dibna ay Warbaahinta kala soo wadaagi doonaan, wixii ka soo kordha.

Shabaabka oo muddooyinkii ugu dambeysay culeys soo saarayay Degmada Xarardheere ayaa isku dayaya in ay dib ula wareegaan gacan ku haynteeda. Shabaabka oo 13 sano ka arriminayay degmadaasi ayaa laga saaray 16-kii bishii January ee sanadkii 2023.

Xarardheere waxay ahayd degmada keliya ee ay Shabaabku ka maamulayeen Gobolka Mudug, waxayna u ahayd il dhaqaale, waxna ay kala soo degi jireen xeebta degmadaasi.

Abshir Cabdi Shiiqow, Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa sheegay inaanan hadda wax baqdin ah looga qabin inay Shabaabku dib ula wareegi karaan degmadaasi.

“Sababta ugu weyna waxay tahay dadkii deegaanka u dhashay ee ka soo jeeday Degmada Xarardheere ayaa soo garab istaagay Ciidamada Dowladda.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa yiri “Nimankan Khawaarijta ah waxay marar badan u barteen meelaha laga la wareego inay dib u weeraraan, si ay uga la wareegaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka, taasoo marar badan oo hore ay ku guuleysteen, laakiin waayihii dambe ama sanadkii ugu dambeeyayba ciidamadu meesha ay qabsadaan waxaad moodday inay aad ugu fara adeygayeen.”

Wasiir Shiiqow ayaa intaasi raaciyay “Marka xilligii hore waxay uga duwan tahay in dadkii deegaanka ku noollaa ee dhallinyaradii looga faa’iideeyay dagaalkan lagu la jiro Khawaarijta, ayna fahmeen dhagartooda, sidaana ay Xarardheere hadda ku noqotay meel runtii gacan adag ku jirta.”

Wasiir Shiiqow ma sheegin cidda fulisay duqaymahaasi, balse waxaa la fahamsan in Mareykanka ama Turkiga uu midkood gaystay, waana labada dal ee keliya ee Villa Somalia ka taageera hawlgalada xagga cirka ee ka dhanka ah Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker