Xukuumadda Oo Bogaadisay Khudbad Uu Guddoomiyaha WADDANI Ka Jeediyey Sweden

Tukaraq (OWN)- Wasiirka wasaarada horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf oo Ciidamada qaranka Somaliland ee jiida hore ku wareejiyay Deeq dawooyin iyo gaadiidka shaaximan ee Cisbitaalka wareega isugu jira , ayaa ka dareen celiyey qudbad uu dhawaan Gudoomiye Ciro ka jeediyey dalka Sweden isagoo arimahaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi :- “Runtu waxaa weeye markay noqoto difaaca qarannimada Somaliland Mucaarid iyo muxaafid reer Somaliland waa ay ka midaysan yihiin, waxaanan halkan aad uga soo dhawaynayaa hadallo uu guddoomiyaha xisbiga WADDANI uu habeen dhawayd isagoo Sweden Jooga ka jeediyey halkaasi, isaga oo aad uga hadlay arrintaas [qarannimada iyo difaaca xuduudaha Somaliland], waxaanan rajaynayaa in arrintaa uu guddoomiye Cirro ku tiraabay ay gasho dhamaan quluubta reer Somaliland”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker