Maayar Ku Xigaankii Hore Ee Magaalada Hargeysa Oo Fagaare Ku Duray Saaxiibkii Maayarkii Hore C/raxmaan Soltelco

Maayar ku-xigeenkii hore ee Magaalada Hargeysa Cabdicasiis Caga weyne ayaa si dad-ban u duray Maayarkii hore ee Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco, kaas oo ay muddo soo wadda shaqeeyaan, isla markaana ay muddo dheer ay ahayeen duqa iyo ku-xigeenka Magaalada Hargeysa.

Maayar ku-xigeenkii hore ee Hargeysa Cabdicasiis Cagaweyne oo khudbad ka jeedinayey Munaasabad ay xilka ku wareejinayeen isaga iyo Maayarkii hore ee Magaalada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco,ayaa si dad-ban u waararay saxiibkiisii ay mudda’da soo wadda shaqeeyeen ee Solteco.

Dhanka kalena Maayarkii hore ee Magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Solteco ayaa dhawaan mar uu war-baahinta la hadlayey sheegay inuu la shaqayn doono Maayarka cusub ee Magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge.

Cabdicasiis Caga weyne oo u duurxulaya Cabdiraxmaan Solteco, isla markaana daba socda hadlkaa hore,ayaa sheegay sidan:”Ninbaa arkay nin xil kasii dagaya oo kii uu ku wareejinayey ku leh waan ku dhisayaa oo aqoontayda iyo kartidaydaan kula barbar taaganahay, Ninkii meesha taagnaba yidhi kartida iyo aqoonta miyuu wax ku qabto intii uu xilka hayey.”Cabdicasiis caga wayne maayir ku xigeenkii hore ee casimadda ayaa sidaa yidhi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker