Dhulgariirka ku dhuftay meel u dhow Caasimadda Daarasalaam Ee dalka Tanzania ee Dar es Salaam.

Dadka Tanzania ee ku nool agagaarka Badweynta Hindiya ayaa loogu baaqay inay sii wataan howl-maalmeedkooda iyadoo aan laga baqeyn khatar dhanka duufaanta tsunami ah.

Waaxda saadaasha hawada ee dalkaas ayaa sheegtay in aan wax isbeddel ah haatan laga fileyn badweynta, iyadoo habeenkii Arbacada uu halkaasi ka dhacay dhulgariir xaddigiisu yahay 6.0.

Dhulgariirka ayaa ku dhuftay meel u dhow magaalada ganacsiga ee Dar es Salaam.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in dadku ay ka cabsi qabaan in duufaanta tsunami ay ku dhufato xeebaha.

Waaxda saadaasha hawada Tanzania ayaase sheegtay in wax is beddel cimilada ah aanan la fileyn kaddib dhulgariirkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker