Macalin Ka Dhiga Jaamacadda Hargeysa Oo Dawladda Soomaaliya Ay Safiir U Magacaabay

Muqdisho(OWN)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta shir-gudoomiyay shirka golaha Wasiirrada oo looga hadlay adkaynta amniga, ahmiyadda Shirkii caalamiga ahaa ee waxbarshashada sare iyo natiijadii kasoo baxday Shirkii Madasha iskaashiga Soomaaliyeed ee Brussels.

 

Waxaa sidoo kale Shirka lagu magacaabay saddex Safiir oo Soomaaliya u fadhi doono caalamka, iyadoo Golaha Wasiirada ay meel mariyeen.

 

Safiirada la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan oo ka mid ahaa La Taliyeyaasha Madaxweyne Farmaajo.

 

Sidoo kale waxaa Safiir loo magacaabay C/risaaq Shoole oo ahaa Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada, Waxaa kaloo Safiir loo magacaabay C/llaahi Maxamed Odawaa.

 

Safiirada ay ansixiyeen Golaha Wasiirada ayaa ku soo bixi doona wareegto Madaxweyne oo loogu magacaabi doono dalalka ay Safiiro ka noqonayaan.

Cabdillaahi Maxamed Odowaa oo maanta dawladda Soomaaliya u magacawday Safiir ayaa wakhtigii la magacaabay waxaa uu ku sugnaa magaalada Hargeysa, isagoo haatan ku sugan magaalada Garoowe.

 

Cabdillaahi Odowaa ayaa soo noqday guddoomiyaha Machadka xallinta khilaafaadka ee jaamacadda Hargeysa.

Wuxuu macallin usoo noqday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo labadooduba ka baxay machadka xallinta khilaafaadka ee jaamacadda Hargeysa.

 

C/llaahi Maxamed Odawaa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker