Wararkii ugu Dambeeyay ee Ciyaaraha, oo Maanta Xiiso gaara leh

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay heerka haliseed ee uu gaadhsiisan yahay dhaawaca weeraryahanka kooxdiisa ee Sergio Kun Aguero oo uu xalay dhaawac gaadhay xilli ay maalmo kaddib kulan adag Stamford Bridge ku booqanayaan Chelsea.

 

 

Kaddib markii uu ku guuleystay rikooedh uu ku galay Ben Mee, Sergio Aguero ayaa sabab dhaawac u baxay dhammaadkii qaybtii hore ee kulankii ay xalay guusha weyn ka gaadheen kooxda Burnley.

 

 

Tan iyo soo laabashadii Manchester City ee tababarka ee bishii hore, Aguero ayaa qabay dhaawac yar oo jilibka ah waxaana la filayaa inuu maanta oo Salaasa ah mari doono tijaabooyin lagu eegayo heerka dhaawaciisa.

 

 

Guardiola oo kulanka kaddib hadlay ayuu kasoo yeedhay hadal u wanaagsan dhagaha taageerayaasha Chelsea iyo kuwa dhammaan kooxaha wajahaya City inta xilli ciyaareedka ka dhiman maadaama oo uu xusay inuu xilli ciyaareedka oo dhan halis ku yahay dhaawaciisani.

 

 

Pep ayaa yidhi “Uma muuqdo mid wanaagsan, isagu wax ayuu dareemay laakiin uma muuqdo mid u wanaagsan xilli ciyaareedkan”

 

 

“Dhakhtarku (Max Sala) waxa uu yidhi waxa ay qaadan doontaa wakhti, dhawr kulan ayuu maqnaan doonaa hubaashii laakiin laga yaabaa berrito in baadhitaanada waxa uu ka heli doonaa wan wanaagsan, waynu arki doonaa”

Xilli ciyaareedka Premier League ayaa ah mid dhammaan doona 26-ka bisha dambe ee July, Man City ayaa mudo kooban kaddib kulan aad muhiim ugu ah oo wareega 16-ka ee Champions League baaqi ka ahaa wajahaysa Real Madrid.

 

 

 

Guardiola oo toddobaadkii hore kasii digay dhaawacyo uu keeni karo mashruuca dib loogu bilaabay xilli ciyaareedka ayaa keydka kasoo kiciyay Gabriel Jesus xalay kaddib dhaawacii Aguero halka uu hore booska weeraryahanka beenta ah ugu soo adeegsaday De Bruyne, Sterling iyo Bernardo Silva.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker