Sweden: Hooyo Somaliyeed Oo Saacad kadib Laga Qaatay ilmihii 8aad ee ay dhashay
Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool dalka Sweden oo horey looga qaatey toddoba caruur ah oo ay dhashay ayaa wiigan laga qaatay canugii sideedaad, saacado un kadib markii ay dhashey.
Hooyo Faadumo Buraanburtooy, ayaa gabadha yar markii umushey waxaa kala wareegay masโuuliyiinta magaalo ay horey u deganeyd oo ay kasoo guurtay.
Shiikh Xuseen Faarax oo kamid ah imaamada mid kamid ah Masaajida Caasimada Stockholm ayaa ka warameyso hooyo laga qaatay ilo ay dhashay 24 Saac Gudahood.
Shiikh ayaa ka waramey sababaha keenay in ilmahaย yar laga qaato Hooyo iyo Waxa uu salka ku hayo waxa uu dhanka kale sharaxay Hayโada Dowlada u qaabilsan dhanka Caruurta ee ilmaha yar ka qaatay hooyada.
Dacwada hooyada looga qaatay ilmaha yar ayaa Salka ku heysa Degmo ay horay u dagneyd oo kasoo guurtay kuwaasi oo soo dacweeyay Hooyada ku eedeeyay dayac dhanka Caruurta ah.
https://www.youtube.com/watch?v=NOFX4O5wbd4