Madaxweynaha Puntland oo Cumar Faraweyne U Magacaabay Taliye Ciidan
Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, ayaa Gudoomiyihii Gobolka Nugaal ee xil ka qaadista dhawan uu ku sameeyay wuxuu u magacaabay xil cusub oo dhanka ciidanka ah.
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 2 October 2018 magcaabay Taliyaha Ciidanka ah ee Kaydka Dowladda Puntland.
Xeer Madaxweyne Lr.135 October 2, 2018, kuna saabsan magacaabid Taliaya Ciidanka Kaydka ah ee Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland
Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo
Wuxuu Xeeriyey:
1.Waxaa G/Sare Cumar Cabdullaahi Maxamed (Cumr Fara-weyne ) loo magacaabay Taliaya Ciidanka Kaydka ah ee Dowladda Puntland.
2. Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu.
G/Sare Cumar Cabdullaahi Maxamed (Cumr Fara-weyne )