Cabdiraxmaan Cirro Oo Sheegay In Aanay Xukuumaddu Raali Ka Ahayn In Xuseen Axmed Caydiid Uu Golaha Wakiilada Ka Mid Noqdo

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdilaahi Cirro), ayaa ka hadlay kursiga uu ka geeriyooday ALLE ha u naxariiste Ibraahim Kacaan iyo muranka ka taagan, waxaanu guddiga doorashada ku eedeeyay inay gudan waayeen waajibaadkii saarnaa.

 

 

 

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), oo sidoo kale muddo dheer ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixiyey qaabka ugu haboon ee jagada ka banaanta Golaha Wakiilada loo buuxin karo, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Waad ka war qabteen anigu muddo dheer Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ayaan ahaa, oo marar badan ayey  dhacday dhawr iyo toban jeer iyo labataan ku dhawaad inay banaanaato jago ka mid ah Golaha Wakiilada, ama geeri ha ku banaanato ama Mudanayaal la eryo ha noqoto horena umay dhici jirin in wax muran ahi yimaado, nidaamka uu sharcigu inoo qorayaana waxaan jecel lahay inaan halkaas bayaamiyo, markay jago ka banaanato Golaha Wakiilada sida uu sharcigu sheegayo, Golaha Wakiilada waxa ku waajib ah inuu waraaq u qoro Guddida Doorashooyinka Qaranka, uu yidhaahdo jagadaas ayaa ka banaantay Golaha Wakiilada, cidii xaqa u lahayd u dira Maxkamadda sare si loo soo dhaariyo, marka warqadaas uu soo qoray Golaha Wakiiladu waxay timaada Guddida Doorashooyinka Qaranka, Guddida waajibadkiisu waxa weeye iyaga ayaa haya xogtii Doorashada Golaha Wakiilada ee 2005 dhacday, haddii ay tahay mid goob, iyo haddii ay tahay mid degmo,iyo haddii ay tahay mid Gobol iyo haddii ay tahay tiradii guudba,marka iyaga ayaana haya liiska siday u kala horeeyaan, berigaas ayaana la qoray siday u kala horeeyaan, waxay ahayd waajibkoodu in qofka ku xiga qofkaas baneeyey meesha ay u qoraan Maxkamadda sare, dabadeedna Maxkamadda sare la yidhaahdo soo dhaariya xubintaas, una gudbiya Golaha Wakiilada”.

 

 

Cabdiraxmaan Cirro mar uu ka hadlaayey Komishanka doorashada oo la sheegay inay qoraal u gudbiyeen maxkamadda sare, waxaanu yidhi “Xuseen waa run oo Xisbiga Waddani ayuu ka tirsan yahay hadda, marka kolay shaqsiyan waxaan waafaqsan nahay haddii uu Xuseen xaq u leeyahayna in la siiyo, haddii cid kale oo komishanku og yahayna xaq la siiyo, laakiin in la muransiiyo meesha kuma jirto, Komishanka waxa loo rabay inay hal qof Maxkamadda sare u diraan, anigu maan arag warqad ay qoreen, laakiin sida la sheegayo waxa soo baxay wax qariiba oo saddex xubnood, ayey u qoreen baa la leeyahay Maxkamadda sare, oo xubin ka mid ah nin aad loo yaqaanay oo Siyaasiya oo geeriyooday ka mid yahay, marka xubin geeriyootay iyo laba nool ayey u direen baa la yidhi Komishanku Maxkamadda sare, si ay u soo kala saaran, waxaan is leeyahay halkaas way ka yar khaldan tahay nidaamkii, marka aniga waxay ila tahay in Komishanka waajibkiisi ahaa inay xubin qudha tiro uu gudan waayey”.

 

 

Mar uu ka hadlaayey faragelin uu sheegay inay Xukuumaddu arintan ku hayso ayaa yidhi “Aniga rayigayga waxaan is leeyahay waxaan ku jiri jirin baa meesha soo galay, waxa tuhuna oo aan cadayn karayn ma rabo in aan sheego, laakiin baryahan waxa la sheegayey Xukuumaddu may jeclayn inuu Xuseen Axmed Caydiid Golaha soo galo, laakiin Komishanku arintii waajibkooda ahaa in aanay gudan ayaan anigu qabaa”.

 

Cabdiraxmaan Cirro mar uu ka hadlaayey xalka iyo sida ugu wanaagsan ee lagu kala saaro karo xubnahan isku haysta jagadda banaanatay ayaa yidhi “Xalka waxaan u arkaa in nidaamkii la saxo, oo Maxkamadda sarena ay ku soo celiso Komishanka, oo ay weydiiso ciday dhaarinayaan inay u soo diraan, saddexda xubnood ka xaq u leh, haddii ay xaq u arkaan inuu Xuseen Axmed Caydiid xaq u leeyahay in la siiyo, haddii Ina Muuse Abees xaq u leeyahayna u arkaan dee ha siiyaan, sababtay ugu soo dareen Maxamed Iskeerso oo dhintayna ALLE ha u naxariisto garan maayo, halkaasna mid kaftana ayaan ku dari lahaa oo waxaan odhan lahaa haddii ay marka horeba xubno badan u dirayaan Maxkamadda Sare si loo soo kala saaro,Aniga iyo Muusena inay noo diraan Maxkamadda sare oo ay soo kala saara yidhaahdan bay ahayd, xalka waxaan u arkaa inay Maxkamadda sare ku soo celiso Komishanka Doorashooyinka, waayo macluumaadka Maxkamada sare taala waa tii uu Komishanku u diray”

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker