Ganacsato Soomaali Ah Oo Lagu Xidhay Dalka Koonfur Afrika

wararka dalka Koonfur afrika ayaa sheegaya in 13 qof oo Soomaali ah ay   Ciidamada booliska dalkaas xabsiga u taxaabeen kuwaas oo ay ku eedeeyeen, inay dib cusbooneysiiyaan  agabyadood ganacsi ee dhacay ama dhaafay waqtigii loogu talo galay, si ay u sii iibiyaan.

 

Ciidamada ayaa galay Warshad lagu farsameeyo waxyaabaha dhacay oo ku taalla magaalda Korte  , iyaga oo kasoo xidhay 13 Muwaadiniintan Soomaaliyeed, kuwaas oo weli ay gacanta ku hayaan booliiska dalkaasi.

 

Booliska oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in dadkaasi ay farsameynayeen waxyaabaha dhacay, isla markaana ay Bulshada dib uga iibinayeen, taasina ay tahay mid sharci darro ah.

Sidoo kale waxaa la xidhay goobo ganacsi oo ay dalkaasi ku lahaayeen dad ajaanin ah oo aan dalkaas u dhalan, waxaan ku jira goobo ganacsi ay leeyihiin muwaadiniin Soomaalida ah.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker