20 qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Sweden

Qarax xoog badan oo ka dhacay dhisme apartment ah oo ku yaalla magaalada Goteborg ee dalka Sweden, kaasi oo booliska ay rumeysan yihiin inuu ka dhashay walxaha qarxa, ayaa dhaawacay ugu yaraan 20 qof, ayada oo boqolaal kalena lasoo daad-gureeyey.

Afhayeen u hadashay isbitaalka Sahlgrenska University Hospital, Ingrid Frederiksson ayaa sheegtay in 16 qof la dhigay isbitaalka ugu weyn magaalada Goteborg.

Afar qof oo ka mid ah โ€“ oo saddex ay yihiin haween daโ€™ ah, iyo nin daโ€™diisu tahay kontameeyo โ€“ ayaa laga daweynayaa dhaawacyo halis ah, sida ay sheegtay Ingrid Frederiksson.

Afhayeen u hadlay booliska, Thomas Fuxborg ayaa sheegay in illaa iyo hadda aan la ogeyn sababta dhalisay qaraxa, balse wuxuu taleefishinka TV4 u sheegay in dambi-baarayaasha ay rumeysan yihiin inuu ahaa ku talo-gal.

Fuxborg ayaa sheegay in dambi-baarayaasha ay eegayaan haddii qaar ka mid ah dadka deganaa dhismaha lagu beegsaday qaraxa.

โ€œWaxaan tuhunsannahay in qof uu walxo qarxa uu dhigay dhismaha. Taas waa wixii aan maqalnay markii nalasoo wacay,โ€ ayuu yidhi Fuxborg.

Qaraxa ayaa abaare 5:00 am ka dhacay degmada Annedal ee bartamaha Goteborg, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Sweden. Dab ayaa ku faafay dhimsaha, waxaana weli socday damintiisa iyo gurmadka illaa 9:00 am.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Sweden Mikael Damberg ayaa wakaaladda wararka Sweden ee TT u sheegay โ€˜inay aad u xumeydโ€ inay arkaan burburka ka dhashay qaraxa.

โ€œIn badan oo naga mid ah waxay doonayaan jawaabo ku saabsan waxa dhacay iyo sababta dhacdadan foosha xun,โ€ ayuu yidhi Damberg, sida ay kasoo xigatay TT.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker