Fannaan Somali-swedish Ah Oo Loo Xidhay Afduubka Fanaan kale

Yasin Abdullahi Mahamoud oo ah 23-jir asal ahaan kasoo jeeda dalka Soomaaliya islamarkaana ku heesa afka swedish-ka ayay booliska dalkaasi xidheen kadib markii lagu eedeeyay in uu ka qeyb-qaatay afduub loo geystay heesaa kale sannadkii tagay kaas oo ka dhacay caasimadda dalka Swedan ee Stockholm.

Afduubkan loo geystay fannaanka kale ayaa la xidhiidha mid dhaqaale looga doonayay, sida ay sheegeen booliska magaalada Stockholm, waxaana uu dhacay 30-31-dii bisha Maarso ee sannadkii lasoo dhaafay (2020).

12 qof oo kale ayaa kula eedeysan Yasin afduubkan, balse waa uu iska diiday in uu ficil ahaan uga qeyb-qaatay.

Fannaanka la afduubay ayaa la sheegay in gaadhi lagu ritay islamarkaana la geystay guri ku yaal xaafad bannaaka ka ah magaalada Stockholm oo lagu magacaabo Vårberg.

Afduubayaasha ayaa lagu haystaa in ay dhibanaha afka sharooto uga xidheen, gacmahana ka katiinadeeyeen iyagoo dabadeed bastoolad iyo mindi ku handaday.

Waxa ay ka dhaceen dhibanaha saacad Rolex qiimeheedu ahaa 302.000 svenske kroner.

Sidoo kale waxa ay ku khasbeen in uu xaafadiisa kasoo qaado sil-silado dahab ah kuwaas oo qiimohooda lagu sheegay 163.000 svenske kroner iyo hub aan la sheegin noociisa oo ay ka qaateen.

Qareen u hadlay dowladda oo lagu magacaabo Anna Stråth ayaa sheegtay in lacag dhan 3 milyan oo swidhish ah la doonaayay in laga dhaco fannaanka balse laga waayay.

Booliska ayaa sheegay in wax u eg bambo ay sidoo kale dhigeen raggan guriga fannaanka uu ka daganaa magaalada Stockholm.

Isu geyn 30 ruux ayaa ku eedeysan afduubka fannaankan, 28 ka mid ah waa ay xidhan yihiin halka labada kalana ay wali booliska ku raad-joogaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker