Xoolihii Uga Dhoofi Jirey Somaliland Oo Hoos Udhac Ku Yimi Iyo Sababta?
Diyaar garowgii ugu danbeeyay ee ku saabsana munaasibada Ciidul Adxada ayaaย ย laga dareemaya badi Sayladdaha xoolaha ee Somaliland.
Meelaha sida weyn diyaar garowga saxmadda Ciidu uga muuqaneyso waxaa ka mida Sayladda xoolaha ee magaalada Hargeysa, sicirka lagu iibinayo xoolaha gaar ahaan Adhiga ayuu hoos u dhac ku yimid.
Sannad walba marka la gaadho wakhtigan oo kale ee ay maalmo koobani ka hadhsan yihiin Ciida Arafo waa wax iska caadiya in isbadel uu ku yimaado qiimaha la kala siisanayo xoolaha noocyadooda kala gaddisan, balse sannadkani waa uu ka duwan yahay sannadihii la soo dhaafay taasi oo ay sabab u tahay xannuunka safmarka ah ee Covid-19 oo hoos u dhigay dhaqaalihii dalka iyo dadka, ย iyada oo aanay jirin xoolihii dhoofi jiray.