Dawladda Talyaaniga oo ka warbixisay Haweenay Sannadkii hore lagaga Afduubay Gudaha Kenya

Nairobi (OWN) – Xeer ilaalinta Talyaaniga ayaa war cusub ka soo saartay afduub 20 bishii November ee Sannadkii hore gudaha dalka Kenya loogu geystay Silvia Romano oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalkaasi.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa sheegay in dowladda ay ka walaacsan tahay in Silvia si deg deg ah loogu qaado gudaha Soomaaliya.

Warkan ayey dowladda Talyaanigu ku sheegtay in kooxaha Afduubayaasha ay qorsheeyeen in ay kala talaabaan xadka Soomaaliya.

Dowladdu waxay sidoo kale sheegay inay weli rumeysan tahay in Silvia Romano lagu heysto gudaha dalka Kenya.

Valueimpression Placeholder
Sidoo kale waxaa fashilmay wada hadal u socday safaaradda Talyaaniga ee Nairobi iyo kooxda Afduubka geysatay.

Silvia Romano ayaa oo aheyd shaqaallo gargaar, waxaana xilliga la afduubnayey ay ku suganeyd dalka Kenya.

Afduubayaasha ayaa la sheegay in rasaasta ay fureen ay ku dhaawacmeen illaa shan qof oo ay saddex ka mid ah carruur yihiin, kadibna ka tallaabeen wabiga Galaana.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker