Baarlamaanka Soomaaliya Oo Mooshin Ka Keenay Heshiisyada Uu Madaxweyne Farmaajo La Galay Dalalka Ethiopia Iyo Eritrea.

Muqdisho-(OWN)-Mudanayaal ka tirsan xildhibaanada Golaha shacabka Soomaaliya ayaa mooshin ka keenay heshiisyadii iyo is-afgaradkii uu madaxweyne Farmaajo la galay dawladaha Itoobiya iyo Ereteriya.

Tirada xildhibaanadan gudbiyay mooshinka ayaa dhan 10-xildhibaan waxaana ay sheegeen in ay walaac ka qabaan Heshiisyada is afagarad ee uu madaxweyne Farmaajo la galay dowladaha Shisheeye.

Waxa ay sidoo kale tilmaameen in si deg deg ah loogu baahan yahay heshiisyadadaasi in ay dood ka yeeshaan xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya.

Heshiisyada iyo is-afgaradyada uu galay madaxweyne Farmaajo waxaa qeyb ka ah kuwo uu la galay dowladaha Ethiopia,Ertrea iyo Kenya waxaana warqadda mooshinka xildhibaanada ku xusnaa is-afgarad iyo heshiisyo uu la galay Farmaajo dowladaha Ethiopia iyo Eritrea.

Farmaajo, ayaa dhawaan wuxuu eeddo u jeediyay siyaasiyiin aanu magacaabin oo uu sheegay inay ka soo horjeedaan heshiisyada uu la galay Itoobiya iyo Ereteriya.

Natiijada sawirka FARMAAJO IYO ABIY

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker