Wararkii U Dambeeyaay ee Doorashada Dalka Kenya

Shacabka Kenya ayaa maalintii afaraad ka war dhowraya natiijada doorashada madaxweynaha oo ay codaynteeda dhacday 9-kii bishan August.

Warbaahinta maxalliga ah oo natiijooyin kala duwan oo hordhac ah soo bandhigaya ayaa looga digay in ay ku dhawaaqaan qofka guulaystay, ilaa warka ugu dambeeya uu kasoo baxo hoggaanka guddiga doorashada.

Haddaba dad badan waxay iswaydiinayaan hannaanka loo maro ku dhawaaqista natiijada doorashada madaxweynaha Kenya, oo ula muuqata in ay aad u daahday.

Tallaabooyinka ka horreeya go’aanka kama dambaysta ah ayaa kala ah sidan.

  • Wakiillada goobaha codaynta ayaa mid mid usoo gudbinaya warqadaha natiijada codadkii laga tiriyay goobtaas, waxaana loo yaqaannaa “Form 34 A”.
  • Wakiilka guud ee Guddiga doorashada u qaabilsan wadarta goobaha codaynta ee guud ahaan waddanka ayaa la wareegaya warqadahaas si uu u hubiyo, isagoo markaas kaddibna natiijadiisa oo uu magaceeda ka dhigay “Form 34 B” usii gudbinaya guddoomiyaha guddiga doorashada.
  • Guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya, Wafula Chebukati, oo ah wakiilka qaran ee doorashada, ayaa la wareegaya warqadaha “Form 34 B” si uu xaqiijinta ugu dambeeya ugu sameeyo. Marka uu wada hubiyo ayuu u bixinayaa magaca “Form 34 C”.
  • Kaddib waxaa xogta faylkaas loo sii guurinayaa faylka ugu dambeeya oo ah “Form 34 D” waxa uuna guddoomiyaha guddiga doorashada ku dhawaaqayaa qofka ku guulaystay xilka madaxweynaha.

Tan iyo Khamiistii waxaa socda xaqiijinta uu guddoomiye Chebukati ku samaynayo warqadaha ugu dambeeya, isagoo laga filayo in marka uu soo gabagabeeyo uu shacabka dalkiisa iyo caalamkaba u sheego madaxweynaha Kenya maamuli doona shanta sano ee soo socota.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker