Raila Odinga oo soo diray fariin, xili tirinka codadka ay gashay wajigii u danbeeyey

Murashaxa Madaxweyne ee isbaheysiga siyaasadda ee Azimio La Umoja, Raila Odinga, ayaa ka hadlay nabadda, xili uu ka qeyb galayay khudbad ka socotay kaniisada ACK St. Francis Church ee xaafadda Karen ee magaalada Nairobi maanta oo Axad ah.

Raila ayaa ka jeediyay khudbadiisii ​​ugu horeysay goob fagaare ah, tan iyo markii dadka Keenyaanka ay u dareereen goobaha cod bixinta 9-kii bishan August.

Waxa uu uga mahadceliyay dadka sida nabdoon ee ay u dhiibteen codkooda, ololihii iyo doorashadana uu u dhacay.

“Waxaan u mahad celinaynaa Ilaah oo inoo soo fududeeyey olole xooggan,” Raila ayaa sidaasi yiri “Hannaanka doorashadu wuxuu ahaa mid nabdoon, waxaan rajeyneynaa in nabaddu sii adkaan doonto inta lagu guda jiro tirinta iyo ku dhawaaqista natiijada doorashada, iyo xitaa ka dib.”

“Dhammaanteen waxaan qeyb ka nahay hal waddan, waxaana dooneynaa in Kenya ay sii xoogeysato, horayna u socoto.” ayuu mar kale yiri Raila.

Raila ayaa waxa uu soo xigtay farriinta nabadda ee St. Francis of Assisi, oo ah wadaad caan ah oo Katoolik Talyaani ah, farriintiisa uu u dirayo jameecada iyo qaranka Kenya.

Sida uu sheegay Raila, isla ereyadan ayaa khuseeya xaaladda Kenya ee haatan taagan, iyadoo dalku si tartiib tartiib ah uga soo kabanayo culeysyadii doorashadii guud ee dhawaan la soo gabagabeeyay.

“Tani waa waxa aniga qof ahaan aan rabo inaan arko inay dhacaan, inaan noqdo qof qeyb ka ah xasiloonida iyo nabadda dalka Kenya, si aan u bogsado u midowno, rajana ugu sii noolaato,” ayuu raaciyay.

Murashaxa Madaxweynaha, ayaa sidoo kale rajo wanaagsan muujiyay, maadaama ay soo dhawaatay waqtigii lagu dhawaaqi lahaa natiijada.

Guusha, Azimio La Umoja-One Kenya, sida uu sheegay Raila, ayaa waxa uu la mid yahay safarkii Reer Binu Israa’iil ee Masar ilaa Kancaan.

Raila ayaa waxaa kaniisadda kaga soo biiray ku xigeenkiisa Martha Karua, hogaamiyaha Wiper Kalonzo Musyoka, Senator hore ee Baringo, Gideon Moi, Senetarka Kitui Enock, Wambua, iyo madaxa COTU, Francis Atwoli, iyo kuwo kale.

Dhanka kale, weli lama shaacin natiijada doorashada madaxtinimo ee dalka Kenya, iyadoo malaayiin qof oo Keenyaan ah ay neefta kasii bixi la dahay, waxay rajeynayaan inay natiijada ugu dambeysa guddiga doorashada ku dhawaaqaan.

Loolanka loogu jiro in xilka lagala wareego madaxweyne, Uhuru Kenyatta, oo 10-kii sano ee uu xilka hayay uu dhamaaday, ayaa waxaa si weyn ugu loolamaya tartanka doorashada Kenya ee sanadkan 2022-ka Raila laba murashax.

Labadan murashax, ayaa kala ah mid ka socda isbaheysiga siyaasadeed ee Azimio La Umoja, oo ah Raila Odinga, iyo isbaheysiga kale ee Kenya Kwanza, oo uu hormuud u yahay Madaxweyne kuxigeenka haatan ee dalka Kenya, William Ruto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker