Dawladaha Somalia iyo Jabouti oo diiday inay Cambaareeyaan Ethiopia dhabarkana u Jeediyay Masar

Qaahira (OWN) – Dowladda Soomaaliya ayaa diiday inay Taageerto qaraar kasoo baxay Jaamacadda Carabta, oo lagu taageeri lahaa mowqifka Masar ee ku aaddan biyo-xidheenka ay Itoobiya ka sameyneyso webiga Nile.

 

 

Qaraarka kasoo baxay Jaamacadda Carabta ayaa ugu baaqay Itoobiya inay dib u dhigto buuxinta biyo-xidheenka, illaa inta ay arrintaas heshiis buuxa kala gaadheyso dowladaha Masar iyo Sudan oo walaac ka qaba.

 

 

Waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay ka fogaadaan qaadista ficillo sii xumeyn kara xaaladda, islamarkaana Addis Ababa aysan buuxin biyo-xidheenka, ayada oo aanay heshiis la gaadhin dalalka uu webigu maro.

 

 

Qaraarka Jaamacadda Carabta oo ay soo gudbisay Masar islamarkaana ay Ansixiyeen Wasiirada arrimaha Debedda Ee Wadamada Xunha ka ah Ururka  Jaamacadda Carabta  , marka laga reebo Soomaaliya iyo Jabuuti, ayaa waxaa lagu meel-mariyey qaab shir muuqaalka internet-ka ah oo ay codsatay Qaahira.

 

 

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo hadal ka jeediyey shirka ayaa ku baaqay in saddexda dal ee ay xiisadda webiga ka dhaxeyso ay miiska wada-hadalka ku dhameeyaan khilaafkooda.

 

 

“Sida aan Ognahay webiga Nile waxa uu nolol u yahay Masar iyo Sudan, wuxuu sidoo kale arrin horumar u yahay dadka Ethiopia-da aan saaxiibka nahay, sidaas darteed waxaan ugu baaqeynaa Masar, Sudan iyo Ethiopia inay xiisadda yareeyaan oo ay dhammaan arrimaha taagan ku xalliyaan miiska wada-hadalka,

islamarkaana gaadhaan heshiis u wada faa’iideynaya Masar, Sudan iyo Ethiopia,” ayuu yidhi Cawad. oo ah Wasiirka Arrimaha Debedda ee Somalia.

 

Cawad ayaa ku baaqay in la dhiso guddi ka kooban dalalka Sacuudiga, Cuman, Soomaaliya iyo Jabuuti oo xal u hela khilaafka ka dhaxeeya saddexda dal.

 

 

Ethiopia ayaa sheegtay inay bisha July billaabi doonto buuxinta Biyo-xidheenka. Masar ayaa rumeysan in haddii qaar ka mid ah biyaha Nile loo leexiyo biyo-xidheenka ay yareyn doonto biyaha soo gaadha  Wadamada Masar iyo Suudaan, maadaama webiga uu yahay isha ay Masar ka hesho 90% biyaheeda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker