Haweeney Doorasho kaga Guuleesatay Masuul ay Xafiiska U Nadiifin jirtay.!!

 

Marina Udgodskaya, oo 35-sano jir ah ayaa isku diyaarineysa in ay la wareegto maamulka xafiiskii ay mudo afar sano ah nadiifiyaha ka aheyd, kadib markii doorasho gollaha deegaanka uga guuleesatay ninkii madaxda ka ahaa xafiiskii ay ka shaqeeneysay.

 

Nikolai Loktev oo katirsan xisbiga talada haya ee Ruushka, ahaana gudoomiyaha xafiiska gollaha deegaanka ee magaalada Povalikhin ayaa guul daro lama filaan ah la kulmay shalaytana ka jooga go’aankii uu kula tartamayay haweeneydan.

 

Ninkan ayaana haweeneydan ku qanciyay in ay la tartanto oo ay u buuxiso shuruudda doorashada ee ah in halkii melba ay ku tartamaan laba musharax iyo wixii ka badan, maadaama aysan jrin cid kale oo la tartameysay.

 

Waxa uuna doonayay ninkan in haweeneydan doorashada qaab malxiis ahaan camal uga qeyb gasho si isaga mar kale xilkaasi loogu soo doorto dibna ugu soo noqdo xafiiskii uu madaxda ka ahaa.

 

Nikolai Loktev, ayaana filan waa iyo wax uusan maleesan karin la kulmay kadib markii doorashada uga guuleesatay haweeneydii uu malxiis ahaanta u watay, waxa uuna hada isku diyaarinayaa in xafiiska ku wareejiyo haweeneydii afarta sano dadiifiyaha ka aheyd.

 

Haweeneydan doorashada ku guuleesatay ayaa la sheegay in aysan sameyn wax olole doorasho ah balse u codeeyeen dadka oo kasoo horjeeday in mar kale doorashada kusoo baxo Nikolia Lokyev.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker