Alaves vs Barcelona – Kulanka Ugu Dambeeya Xili Ciyaareedka Ee Barca, Shaxaha Macquulka Ah Iyo Haddii Setien Uu Iska Maydhi Karo Ceebtii Osasuna

Barcelona ayaa kulankeeda ugu dambeeya xili ciyaareedka horyaalka LaLiga waxay marti u noqonaysaa Alaves, saddex maalmood kaddib markii qaab fool xumo ah loogu garaacay garoonka Camp Nou oo 2-1 ay ku dhufatay Osasuna, xilli horyaalka ay ku guuleysatay Real Madrid.

 

 

Barcelona ayaa xili ciyaareedku u dhamaanayaa iyadoo faro madhan oo aan waxba ku guuleysan, waxayse furaddii ugu dambaysay ka baadh-baadhan doonaan tartanka Champions League oo bisha dambe ay lugta labaad ee wareegga 16ka isku haleeli doonaan Napoli, taas oo haddii ay kasoo adkaadaan uu Setien isku dayi doono inuu hore ugu socdo si uu koobka u qaadan karo shaqadiisana u badbaadsan karo, inkasta oo ay adag tahay.

Barcelona ayaa kaddib guul-darradii Osasuna si dhab ah uu qalbi jabkeeda iyo dhibaatooyinka haysta uu usoo bandhigay Lionel Messi oo dalbaday in isbeddel ballaadhan lagu sameeyo kooxda, waxaana ku waafaqay tababare Setien oo laakiin ku adkaystay in kooxdu si fiican u ciyaartay laakiin kaliya ay goolka dhalin waayeen.

 

 

 

In 10 dhibcood ay Barcelona lumisay 18kii ciyaarood ee ay garoonkeeda bannaanka uga baxday, waxay Alaves siin kartaa niyad wanaagsan oo ay kala hor tegi karto Barca.

 

 

Lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka Alaves waxay soo guuleysatay hal mar oo kaliya, waxaana laga badiyey afar jeer iyo hal mar oo ay barbarro gashay.

Barcelona ayaa dhinaceeda saddex ciyaarood guuleysatay, laba barbarro ah iyo mid laga adkaadayna sii raacisay.

 

 

 

Xogta Kulanka

 

 

 

Ciyaarta: Alaves vs Barcelona

 

 

 

Tartanka: LaLiga, kulamada 38aad oo ah ciyaartii ugu dambaysay xili ciyaareedka

Waqtiga: 6PM – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Estadio Mendizorroza

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Alaves waxa ka maqan Rodrigo Ely oo kaadh cas qaatay kulankii Real Betis iyo labada laacib ee kale ee Ruben Duarte iyo Fernando Pacheco oo dhaawac ah.

 

 

Waxa kale oo ay kooxdu ka walaacsan tahay taam ahaanshaha Javier Lopez, Ximo Navarro iyo Ismael Gutierrez oo dhamaantood jugo ka cabanaya, laakiin waxa ganaax uga soo laabtay Martin Aguirregabiria.

 

 

Barcelona ayaa dhinaceeda aan haysan adeegga xiddiga reer France ee Ousmane Dembele oo dhaawac muddo dheer ah ku maqnaa, sidoo kalena Antoine Griezmann iyo Samuel Umtiti oo ay France u wada dhasheen ayaan taam u ahayn kulankan.

 

 

Saddexda ciyaartoy ee Gerard Pique, Ivan Rakitic iyo Junior Firpo ayaa iyaguna ganaax ku maqan, waxaanay taasi fursad caddaan ah siinaysaa Ronald Araujo inuu difaaca kusoo bilowdo.

 

 

Sergio Busquets, Jordi Alba iyo Luis Suarez ayaa lafilayaa inay kusoo bilowday ciyaarta maadaama kulankii hore uu tababare Quique Setien si lama filaan ah kaydka u geliyey.

 

 

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

 

Alaves: Jimenez; Aguirregabiria, Laguardia, Magallan, Marin; Mendez, Pina, Camarasa, Vidal; Joselu, Perez

 

 

Barcelona: Ter Stegen; Semedo, Araujo, Lenglet, Alba; Puig, Busquets, Roberto; Fati, Suarez, Messi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker