Saamaynta dhaqaale ee caabuqa Coronavirus ku yeeshay caalamka

Xanuunka loo yaqaan Coronavirus ka (Covid19) oo markii u horraysay ka bilaabmay bishii January 2020 suuq lagu iibiyo duurjoogta oo ku yaala magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha ayaa farabaas ku haya caafimaadka & dhaqaalaha caalamka.

Ilaa hada xanuunku wuxu haleelay dad ka badan 83,000 waxana u dhintay inta la ogyahay 3,000 oo ruux kuwaas oo 90% ay u dhasheen dalka Shiinaha. Dalalka kale ee uu xanuunku sida wayn u saameeyay waxa ka mid ah: South Korea, Japan, Iran, Italy.

Dhibta caafimaad ee uu xanuunku keenay waxa weheliya saamayn dhaqaale oo wayn. Waxa ilaa hada la sheegayaa inuu suuqyada caalamka (Stock Markets) sida DOW JONES, NASDAQ, FTSE, SHANGHAI, DAX, NIKKEI, CAC, HANGSENG uu ku yimid hoos u dhac ka badan ilaa US$20 Trillion.

Waxa laga cabsi qabaa in dhaqaalaha adduunka oo 10kii sano ee ugu dambeeyay aad isu dhexgalay (global supply chain integration) oo keenay in qalab badan oo ay u baahanyihiin wershadaha caalamka iyo tiknooliyada lagu sameeyo dalalka Shiinaha, Japan, Kuuriya iwm. Kuwaas oo uu xanuunku sababay in la xidho wershadihii samayn jiray qalabka taas oo curyaamin wayn ku ah wershada reer galbeedka sida kuwa sameeya baabuurta, moobilada, diyaaradaha, koombiyuutarada iwm.

Waaxaha dhaqaalaha ee uu xanuunku sida wayn u saamaayay waxa ka mid ah adeegyada (services sectors) sida hudheelada, diyaaradaha, gaadiidka, dalxiiska iwm. Waxa kale ee uu xanuunku saameeyay tacliinta oo keentay in la xidho goobo badan oo waxbarasho gebi ahaanba. Waxa laga cabsi qabaa inuu xanuunku dhaqaalaha adduunka (Global GDP) uu ku sameeyo hoos u dhac dhan 1.5% ilaa 2.5%.

Si kastaba ha ahaatee waxa cad cabsida laga qabo xanuunkan oo keentay in dalka Iran maanta la joojiyay salaadii jimcaha, iyo Sucuudiga oo mamnuucay dadkii Cumrada u imanayay.

Waxa loo baahanyahay in xukuumadu dhigto madaarka Hargeisa shaqaale caafimaad oo si fiican u tababaran oo baadha dadka Ajanebiga ah iyo weliba kuwa dalka u dhashay ee ka imanaya meelaha xanuunku ka dilaacay.

Ilaahay ha ina ilaaliyo – Aamiin dhaha!!!

 

Aadenwali Ismaaciil

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker