Xaalada Caafimaad ee Madaxweynaha Vietnam oo Muran badani Hadheeyay ka dib Markii uu kasoo Xaadir waayay Xafiiskiisii Shaqaday

 

 

 

 

 

Hogaamiyaha dalka Vietnam ayaanan lagu arkin meel fagaara ah ku dhowaad seddex isbuuc, taas oo keentay in walaac laga muujiyo xaaladiisa caafimaad.

Madaxweyne Nguyen Phu Trong oo sidoo kale ah hoggaamiyaha xisbiga haya talada dalka ee shuuciga,

ayaa la waayay meel uu qabtay kadib markii uu xanuunsaday, 14-kii bishii Abriil ee sanadkan.

Shakiga laga qabo cafimaadka madaxweynaha ayaa sii xoogeystay jimcihii la soo dhaafay ka dib markii madaxweyne Nguyen Phu Trong oo 75 jir ah uusan ka soo qeybgelin aaska madaxweynihii hore ee dalkaasi Le Duc Anh.

Warbaahinta dawladda ma aysan sharaxin sababta uu u maqnaa madaxweyne Trong, oo la filayay inuu hoggaamiyo aaska.

Afhayeen u hadlay dawladda ayaa aaska ka hor sheegay in shaqada badan iyo cimilada ay saameeyeen xaalada caafimaad ee madaxweynaha.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in Trong uu si dhaqsi ah shaqada ugu soo laaban doono.

In la qariyo arrimaha la xidhiidha caafimaadka hoggaamiyeyaasha xisbiga iyo sarakiisha dawladda, ayaa waxay yihiin waxyaabaha lagu muujiyo in dalkaasi Vietnam u yahay dal xasiloon oo hoos taga maamulka hal xisbi sida uu sheegaya Giang Nguyen oo ah tifaatiraha wararka ee laanta BBC-da ee dalka Vietnam.

vietnam

“Bishii Nofeembar ee sanadkii tagay, dalka Vietnam waxa uu meel mariyay sharci sir ka dhigaya caafimaadka hoggaamiyeyasha saree e xisbiyada iyo sarakiisha dawladda si la isugu dayo in madaxdaasi laga badbaadiyo wararka been abuurka ah iyo waxa lagu tilmaamo ‘weerarrada ka dhanka ah dowladda’ ee ay geysanayaan xoogagga mucaaradka ah,” ayuu intaa ku daray Giang Nguyen.

Inkastoo uu da’ noqday madaxweyne Trong, haddana waxaa sii sara-kacay shacbiyaddiisa wixii ka dambeeyay ololihii ka dhanka ahaa musuq-maasuqa oo u horseeday in la xirxiro wasiirro ka tirsan dawladii hore iyo sarakiil boolis ah.

Madaxweyne Trong ayaa bishii Febraayo dalka Vietnam kula kulmay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, xilligaasi oo dalkiisa ay ku wadahadlayeen hoggaamiyeyaasha Mareykanka iyo Kuuriyada Woqooyi.

 

 

By Suxufi Sinyoore Hargaysa Oodwaynemedia Office

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker