Maxaa ku kalifay Dawlada Imaaraatka Carabta inay Aqoonsato Passport-ka Somaliland
Hargeysa (OWN) β Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dhowaan si rasmi ah u aqoonsatay Baasaboorka Somaliland,Β
Aqoosniga Imaaraadka ee baasaboorka Somaliland ayaa yimid kadib dalab uu Madaxweynaha Somaliland uu labo sanno ka hor u gudbiyay Wasiirka madaxtooyada ahna kuxigeenka Raβiisal wasaaraha dalka Imaaraadka, sida uu sheegay Danjire Baashe Cawil.
Amb Baashe Cawil Xaaji Cumar, Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya, horena u ahaa Danjirihii Somaliland ee Imaaraadka ayaa sheegay in aqoonsiga baasaboorka ay qeyb ka ahaayeen xukuumadihii Kulmiye ee talada iskaga dambeeyay.
Baashe Cawil ayaa sidoo kale shaaciyay in Imaaraadku uu dhalashada Somaliland ku daray kuwa waddamada ay aqoonsan tahay, xili ay Somaliland helin aqoonsi caalami ah.
Madaxweynaha Somaliland ayaa dalabka aqoonsiga baasaboorka u gudbiyay Mansour Binzayed Alnahyan, Wasiirka Madaxtooyada ahna ku xigeenka Raβiisal wasaaraha dalkaasi, booqashadii uu Imaaraadka ku tagay bishii April ee sannadkii 2018-kii.
Arrintan ayaa sidoo kale ka dhigan in xiligan wixii ka dambeeya ay dadweynaha reer Somaliland ee ku nool dalkaasi suurta-gal u tahay in ciqaamadooda ay ku qaatan dhalashada iyo Passportka Somaliland.
Xiriirka Imaaraadka iyo Somaliland ayaa sarre u kacay, xili muddooyinkii dambe ay xiisad ka dhex aloosantahay dowladda federaalka iyo Imaaraadka Carabta.
Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa waxa uu si weyn hoos ugu dhacay sanadkii 2017-kii markii ay bilaabatay xasaradii gacanka Khaliijka, xilligaas oo Soomaaliya ay diiday inay la safato Imaaraadka iyo Sucuudiga oo ka soo horjeeday dowladda Qatar, isla markaana ay qaadatay goβaan dhex-dhexaadnimo ah.
Bishii May 2018-kii, Imaaraadka ayaa si iskiis ah uga baxay kaalmadii naf badbaadinta iyo iskaashigii military ee uu la lahaa Soomaaliya si uu cadaadis u saaro dowladda Soomaaliya, isla markaana ugu ciqaabo meesha dhex-dhexaadnimada ah ee ay istaagtay khilaafkii Khaliijka.
Imaaraadku ayaa sidoo kale isku dayay inuu wiiqo saameynta Qatar iyo Turkigu ay Soomaaliya ku leeyihiin, isagoona xiriirro adag la sameystay ismaamullada Soomaaliyeed ee Puntland iyo Somaliland, isla markaana taageero u fidiyay siyaasiyiinta mucaaradka ah ee jooga Muqdisho.