Dhaqaatiir U Dhashay Dalka Cuba Oo Laga Afduubtay Xuduudda Kenya Iyo Soomaaliya
Koox hubeysan ayaa laba dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba ka afduubtay xuduudda Kenya ay la wadaagto Soomaaliya, xilli ay shaqo u socdeen, waxayna sidoo toogasho ku dileen sarkaal boolis ah oo ilaalinayey.
Warbaahinta gudaha Kenya ayaa weriyey in booliska ay rumeysan yihiin in kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya ay afduubteen dhaqaatiirtan.
Afhayeen u hadlay booliska Kenya, Charles Owino ayaa sheegay in dableyda oo watay laba baabuur oo Toyota ah ay joojiyeen baabuur siday dhaqaatiirta Cuban-ka ah iyo laba sarkaal oo la socotay, xilli ay marayeen badhtamaha magaalada Mandheera.
“Hal sarkaal ayey toogasho ku dileen, kadibna baabuurtoodii iyo dhaqaatiirtii ayey kala gudbeen xuduuda Soomaaliya” ayuu yidhi Owino.