Weftigii ka Socday KULMIYE iyo UCID oo Nairobi Kula Kulmay Hoggaamiyeyaasha Baarlamaanka Kenya

Hoggaamiyha Xildhibaannada Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya, Aadan Ducaalle ayaa kulan kula la yeeshay xarunta Baarlamaanka Weftigii ka socday labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID ee booqashada shaqo ku jooga Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Sida uu  xaqiijiyey Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya, Baashe Cawil Xaaji Cumar, waxaanay labada dhinac ka wada hadleen sidii ay Baarlamaanka labada dal u yeelan lahaayeen iskaashi la xidhiidha dhinaca Tababaradda iyo nidaamka shaqada Baarlamaanka.

 

Weftiga ka socda labada Xisbi waxa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ahna Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee xisbul-xaakimka KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee xisbigaas Axmed Cabdi Dheere, Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka tirsan Guddida fulinta KULMIYE iyo Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID.

 

Sidoo kalena wegfiga labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE waxa kaloo ay la kulmeen Hoggaamiyaha xisbiga lagaga tiro badan yahay Baarlamaanka Kenya. Junet Mohamed waxaanay ka wada hadleen sidii labada dal u xoojin lahaayeen cilaaqaadka wax wada qabsi ee ka dhexeeya Somaliland iyo Kenya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker