Dawladda Ethiopia Oo Bilawday In Ay Ciidamadeeda Kala Baxdo Deegannadii Ay Ku Muransanaayeen Eritrea.

Addis-ababa-(OWN)-Ciidammada Itoobiya ayaa bilaabay inay ka baxaan deegannada xadka labada dal ee horraan dagaalka horseeday, waxayna arrintani daba socotaa markii Eritrea iyo Itoobiya bishii July ee sannadka ay kala saxiixdeen heshiis nabadeed.

Wasaaradda difaaca ee dalka Itoobiya waxay sheegtay in tallaabadan ay ka qeyb tahay dhaqan gelinta heshiiska labada dal ay kusoo afjareen colaaddii dhanka xadka oo ay kumanaan qof ku dhinteen.

Shan bilood kaddib markii hoggaamiyeyaasha Eritrea iyo Itoobiya ay kala saxiixdeen heshiiskii nabadeed, wasaaradda gaashaandhigga ee Itoobiya waxay xaqiijisay in ciidammada ay kasoo saari doonaan deegaannada xadka dhaca ee lagu muransanaa.

In Itoobiya ay ciidammada kasoo saarto halkaasi waxay ka mid ahayd codsiyadii ugu muhiimsanaa ay Eritrea soo jeedisay ka hor heshiiska.

Itoobiya waxay sheegtay inay ciidamadeeda ka saarayso deegaanka BadmeItoobiya waxay sheegtay inay ciidamadeeda ka saarayso deegaanka BadmeFaah-faahinta Warkan Kala Soco Xafiiska Wararka Oodweyne/NewsItoobiya waxay sheegtay inay ciidamadeeda ka saarayso deegaanka Badme.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker